Garsoore Mareykan Ah oo Laalay Go'aankii Donald Trump ee Xayiraada Saarayay Dadka Muslimiinta Ah.

Saturday February 04, 2017 - 09:17:31 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garsoore Mareykan Ah oo Laalay Go'aankii Donald Trump ee Xayiraada Saarayay Dadka Muslimiinta Ah.

    Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump ayaa caqabado xooggan kala kulmaya inta badan waaxaha kala duwan ee garoorka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump ayaa caqabado xooggan kala kulmaya inta badan waaxaha kala duwan ee garoorka.

Xaakimka garsoorka magaalada Seattle ee dalka Mareykanka James Robart ayaa go’aan uu soo saaray ugasoo horjeestay go’aankii Trump uu xayiraadda ku saaray muwaadiniinta 7 dal oo katirsan caalamka islaamka.

James Robart ayaa go’aanka uu soo saaray ku sheegay in qaraarka Trump uusan aheyn mid sharci ah isagoo si KMG ah u laalay.

Dhinaca kale malaayiin qof ayaa dibad baxyo ka wada magaalooyinka waaweyn ee dalka Mareykanka waxayna kasoo horjeedaan go’aamada Cunsuriga ah ee Trump ku dhawaaqay.


Isbuucii lasoo dhaafay ayay wasiiraddii Cadaaladda USA kasoo horjeesatay go’aanka Trump kadibna xilka qaadis ayaa lagu sameeyay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items