Ciidamo Ka Goostay Maamulka 'Koonfur Galbeed' oo isku Dhiibay Xarakada SHM.

Saturday February 04, 2017 - 17:28:47 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Ka Goostay Maamulka 'Koonfur Galbeed' oo isku Dhiibay Xarakada SHM.

    Fagaara kuyaal deegaanka Bisaq-Cadde ee gobolka Bay ayaa lagusoo bandhigay ciidamo katirsanaa maamulka Shariif Sakiin ee ka arrimiyo magaalada Baydhabo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fagaara kuyaal deegaanka Bisaq-Cadde ee gobolka Bay ayaa lagusoo bandhigay ciidamo katirsanaa maamulka Shariif Sakiin ee ka arrimiyo magaalada Baydhabo.



Ciidamada oo tiradoodu gaaraysay 4 Askari ayaa iyagoo hubkooda wata isku dhiibay maamulka Islaamiga ah ee ka arrimiya deegaanada kaabiga ku haaya magaalada Buur-hakaba.

Wararka ka imaanaya deegaanka Bisaq-Cadde ayaa sheegaya in ciidamada oo ku labisnaa dareeska Melleteriga lagusoo bandhigay goob fagaara ah, mas’uuliyiin katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa sheegay in ciidamada soo goostay cafis loo fidiyay islamarkaana loo lacageeyay hubka ay lasoo goosteen.



Isbuucii lasoo dhaafay ayay aheyd markii maleeshiyaad katirsanaa maamulka ‘Jubbaland’ ay iska dhiibeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.

Kala firxadka maleeshiyaadkan ayaa imaanaya waqti xaalad kala guur ah ay mareyso dowladda Federaalka ee gumeystaha la shaqeysa.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items