Weerar Lagu Qaaday Saldhigga Ciidanka Jabuuti Ee Degmada Jalalaqsi.

Sunday February 05, 2017 - 08:41:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Lagu Qaaday Saldhigga Ciidanka Jabuuti Ee Degmada Jalalaqsi.

    Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka dhaceen degmada Jalalaqsi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka dhaceen degmada Jalalaqsi.



Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay ciidamada Xarakada Al Shabaab weeraro culus ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada shisheeyaha Jabuuti uga sugnaayeen gudaha degmadaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in muddo 2 saacadood xiriir ah ay dagaallo culus ka socdeen galbeedka magaalada Jalalaqsi waxaana la maqlayay jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo labada dhinac is dhaafsanayeen.

illaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaallada ka dhacay degmada Jalalaqsi, dhowr madafc ayaa la sheegay in ay ku dhaceen saldhigyada ciidamada Jabuuti.



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items