Roobab Lagu Diirsaday oo Ka Da'ay Bartamaha iyo Waqooyiga Soomaaliya.

Sunday February 05, 2017 - 08:41:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Roobab Lagu Diirsaday oo Ka Da'ay Bartamaha iyo Waqooyiga Soomaaliya.

    Xilli Abaaro Baahdsan ay ka jiraan gobollo katirsan dalka Soomaaliya ayaa roobab lagasoo sheegayaa qaar katirsan gobollada dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli Abaaro Baahdsan ay ka jiraan gobollo katirsan dalka Soomaaliya ayaa roobab lagasoo sheegayaa qaar katirsan gobollada dalka.



Saacadihii lasoo dhaafay waxay roobab ka da’een degmooyin iyo deegaano ka tirsan qaar ka mid ah gobalada dhaca Konfurta’bartamaha iyo Waqooyga dalka Somaliya.

Roobab lagu diirsaday ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay deegaano ka kala tirsan goballada Sanaag iyo Hiiraan oo kala dhaca Waqooyiga iyo bartamaha dalka Somaliya.

Gobalka Sanaag goobaha sida garaka ah Roobabka kaga da’een waxaa ka mid ah degmada Ceerigaabo iyo deegaanada hoostaga’sidoo kale gobalka Hiiraan deegaanada uu Roobka ka da’ay waxaa ka mid ah deegaanada Shaw iyo Rasse.



Dhinaca kale roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ayaa ka da'ay deegaano katirsan gobolka Sool oo kamid ah meelaha ugu daran oo ay abaaruhu ku dhufteen.

Todaadbkii hore waxey Roobab ka da’een deegaano iyo degmooyin ka kala tirsan Baay iyo Jubbooyinka oo dhaca Konfurta dalka Somaliya’waxey roobabkan kusoo aadayaan xilli abaara daran ay ka jirta dalka Somaaaliya.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items