Maamulka 'Somaliland' oo Xaqiijiyay in Cali Khaliif uu Ka Dhoofay Garoonka Diyaaradaha Hargeysa.

Monday February 06, 2017 - 18:34:25 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka 'Somaliland' oo Xaqiijiyay in Cali Khaliif uu Ka Dhoofay Garoonka Diyaaradaha Hargeysa.

    Hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Khaatumo State Cali Khaliif Galleyr ayaa markii ugu horraysay gaaray magaalada Hargeysa oo maamulka kajira uu dagaal kala dhaxeeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Khaatumo State Cali Khaliif Galleyr ayaa markii ugu horraysay gaaray magaalada Hargeysa oo maamulka kajira uu dagaal kala dhaxeeyay.




Wararka ka imaanaya degmada Buuhoodle ayaa sheegaya in Cali Khaliif uu maanta barqadii gaaray Hargeysa kadibna uu ugasii gudbay dhanka wadanka Jabuuti.

Maamulka ‘Somaliland’ ayaa isna xaqiijiyay in ay soo dhaweeyeen Cali Khaliif islamarkaana ay wadahadal kula jiraan, Yaasiin Xaaji Maxamuud oo ah wasiirka arrimaha gudaha maamulka Hargeysa aya sheegay in Cali Khaliif ay kusoo dhaweeyeen Burco iyo Hargeysa kadibna uu u dhoofay dhanka wadanka Jabuuti.



"Waa Run Cali khaliif Galaydh Hargeysa ayuu saaka yimid, isagoo ka soo anbo baxay gobolka Buuhoodle soona maray wadadda laamidda ah ee ka timaadad magaaladda Laascaanood, ee soo gasha magaaladda Burco,halkan buuna saaka ku soo waaberiistay waxaanu ka duulay garoonka Hargeysa isagoo usii jeedda wadanka Jabuuti oo uu ka furmayo wada hadaladdii isaga iyo Somaliland u dhexeeyey”ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Dhinaca kale markii ugu horraysay Maamulka Hargeysa wuxuu xaqiijiyay in ay heshiis buuxa lageli doonaan Cali Khaliif marka ay soo gaba gaboobaan wadahadallada uga socda wadanka Jabuuti.

Maleeshiyaad beeleed ku sugan degmada Buuhoodle ayaa is hortaag ku sameeyay wafdiga uu hoggaaminayo Cali khaliif in ay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha degmadaasi taasi oo ku qasabtay in uu si toos ah uga dhoofo Hargeysa.

Haddii Cali Khaliif ku biiro maamulka Somaliland isku magacaabay waxaa burburi doono maamulkii Khaatumo la oran jiray kaasi oo muddo sanada ah dagaallo ka waday deegaano katirsan gobollada Sool iyo Sanaag.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items