Dagaal Khasaara Lagu Gaarsiiyay Ciidamada AMISOM oo Ka Dhacay Gobolka Sh/dhexe.

Tuesday February 07, 2017 - 11:48:48 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Khasaara Lagu Gaarsiiyay Ciidamada AMISOM oo Ka Dhacay Gobolka Sh/dhexe.

    Wararka ka imaanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka socdaan deegaan hoos yimaad degmada Mahadaay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka socdaan deegaan hoos yimaad degmada Mahadaay.

Dagaalka oo ah mid saacada badan qaatay ayaa ka dhacay wadada xiriirisa deegaanada Miirtaqwo iyo Biya Cadde oo ay saldhigyo ku leeyihiin ciidamada shisheeyaha AMISOM.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalku uu bilaawday kadib markii ay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin weerar dhabagal ah u dhigeen ciidamo Burundeys ah oo ku lugeynayay duleedka Miirtaqwo.

Dagaalka ayaa sii xoogeystay kadib markii xaaladdu ku adkaatay ciidamada shisheeye kuwaasi oo markii dambe gurmad ka dalbaday deegaanka Biya Cadde.


Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Xarakada Al Shabaab ay la wareegeen deegaanadii lagu dagaallamay halka ciiidamada Burundi oo dhimasho iyo dhaawac badan sida ay ubaqa carareen dhanka Miir-taqwo iyo Biya Cadde.

Wixii kusoo kordha dib ayaan kasoo sheegi doonaa insha’allaah

Related Items