Ciidamada Xarakada Al Shabaab oo Dagaal Safballaaran Ah Ku Qaaday Saldhigyo Kuyaal Deegaanka Ceelasha Biyaha.

Wednesday February 08, 2017 - 08:06:25 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Xarakada Al Shabaab oo Dagaal Safballaaran Ah Ku Qaaday Saldhigyo Kuyaal Deegaanka Ceelasha Biyaha.

    Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa xalay marti geliyay mid kamida dagaalladii ugu cuslaa ee abid lalagalo ciidamada shisheeye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa xalay marti geliyay mid kamida dagaalladii ugu cuslaa ee abid lalagalo ciidamada shisheeye.

 


Wararka ka imaanaya duleedka Muqdisho ayaa xaqiijinaya in dagaallo saacado badan qaatay ay ka dhaceen xaafadda Arbacoow oo katirsan deegaan weynaha ceelasha islamarkaana ay saldhig melleteri ku leeyihiin ciidamada AMISOM.

Jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay ayaa laga maqlayay gudaha magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in ciidamada Mujaahidiintu ay dhowr difaac kala wareegeen ciidamada AMISOM ee ku sugan deegaanka Arbacoow.


Idaacadda Andalus ee Afka xarakada Al Shabaab ku hadasha ayaa baahisay war ay ku sheegayso in "Mujaahidiintu weerar safballaaran ah ku qaadday saldhigyada ciidamada saliibiyiinta ee deegaanka Arbacoow”.

Dagaalladan ka dhacay duleedka caasimadda ayaa kusoo aadaya xilli magaalada Muqdisho maalintii 2-aad ay tahay mid Bandow ah waxaana ka dhacaya doorashooyinka madaxweynaha dowladda Federaalka.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items