Max'med C/llaahi Farmaajo oo Noqday Madaxweynaha Dowladda Federaalka.

Wednesday February 08, 2017 - 19:36:32 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Max'med C/llaahi Farmaajo oo Noqday Madaxweynaha Dowladda Federaalka.

    Waxaa goordhow soo gaba gaboobay wareegii 2-aad ee doorashada madaxtinimada dowladda Federaalka shisheeye kalkaalka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa goordhow soo gaba gaboobay wareegii 2-aad ee doorashada madaxtinimada dowladda Federaalka shisheeye kalkaalka ah.

Max’med Cabdullaahi Farmaajo ayaa helay codadka ugu badan ee xildhibaanada dowladda Federaalka.

Wareegga 2-aad ayay musharixiintu codadka u heleen sidaan 1-Max’med Cabdullaahi Farmaajo ayaa helay 184 cod 2- Shariif Sheekh Axmed ayaa helay 45 cod halka Xasan Sheekh uu helay 97 cod.

Markii guddoomiyaha baarlamaanka Max’med Cismaan Jawaari ku dhawaaqay in wareegga 3-aad la gelayo ayuu si lama filaan ah Xasan Sheekh ugu dhawaaqay in uu isaga haray xilka madaxtinimada isagoo makaroofanka ka hor qiray in doorashada looga adkaaday.


Farjaamo ayaa khudbaddii ugu horraysay ee uu jeediyay ku sheegay in isbedel weyn ay sameeyeen xildhibaanada baarlamaanka dowladda Federaalka.

Wuxuu Farmaajo sheegay in uu si adag ula dagaallami doono Musuq Maasuqa iyo wax isdaba marintii ay caanka ku aheyd xukuumaddii Xasan Gurguurte.

Max'med Cabdullaahi Farmaajo ayaa caan ku ahaa hadal uu jeediyay sanaddii 2010 xilligaasi oo uu yiri "Dagaalka aan ka wadno magaalada Muqdisho waxaan ku difaacaynaa New York oo Mareykan ah".

Farmaajo oo horay usoo noqday R/wasaaraha DF-ka ayaa la filayaa in uusan wax weyn ka bedelin hab dhaqanka dowladda Federaalka maadaama maamulka Villa Somalia uusan aheyn mid madax banaan, dadka falanqeeya arrimaha Soomaaliya waxay sheegayaan in guul darradii gaartay Xasan Gurguurte ay tusaale u tahay heerka ay faragelinta shisheeye gaarsiisantahay


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items