Mareykanka "Si Dhow Ayaan Ula Shaqeyn Doonaa Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya loo doortay".

Thursday February 09, 2017 - 08:49:58 in Wararka by
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka "Si Dhow Ayaan Ula Shaqeyn Doonaa Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya loo doortay".

    Dowladaha Reer galbeedka ayaa si diirran usoo dhaweeyay Hoggaanka Cusub ee loo doortay dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladaha Reer galbeedka ayaa si diirran usoo dhaweeyay Hoggaanka Cusub ee loo doortay dowladda Federaalka Soomaaliya.


War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagusoo dhaweeyay doorashada Farmaajo taasi oo ka dhigan in Mareykanku uu noqday dowladdii ugu horraysay ee taageera u muujisa hoggaamiyaha cusub ee Dowladda Federaalka shisheeye kal kaalka ah.

Bayaan kasoo baxay waaxda arrimaha dibada Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu si dhaw ula shaqeyn doonoono madaxweynaha cusub ee Dowlada Federaalka Soomaaliya.


Dowlada Mareykanka ayaa ku dhiirigelisay hogaanka cusub ee DF-ka Soomaaliya inuu tallaabo la aamini karo uu u qaado sidii uu uga taqalusi lahaa musuq-maasuqa iyo sidii uu u sameyn lahaa hey’ado xoog leh oo kasoo shaqeeya doorashooyinka soo socda, si loo suurageliyo in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho hal qof iyo hal cod ah sanadka 2020-ka.

Mareykanka ayaa warka qoraalka ah ee uu soo saaray ku xusay in hoggaamiyaha cusub ee DF-ka laga sugayo isbedello dhan walba ah, Max'med Cabdullaahi Farmaajo ayaa ah muwaadin Soomaali Mareykan ah isagoo inta badan noloshiisa kusoo qaatay dalka Mareykanka.

Waxaa la rumeysanyahay in Farmaajo uu fulin doono ajandayaasha dowladda Mareykanka ee dalka Soomaaliya maadaama uu heysto dhalashada dalka Mareykanka, Ninkan calmaaniga ah ayaan la ogeyn waxa uu uga duwanaan doono hoggaamiyaashii hore ee dowladda Federaalka kuwaasi oo ku caanbaxay shisheeye kalkaalnimo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items