26 Qof Shacab Ah oo Lagu Dilay Duqeyn Ka Dhacday Waqooyiga Wadanka Suuriya.

Thursday February 09, 2017 - 08:47:58 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    26 Qof Shacab Ah oo Lagu Dilay Duqeyn Ka Dhacday Waqooyiga Wadanka Suuriya.

    Dowladda Mareykanka ayaa markale duqeymo wuxuushnimo ah ka geysatay mid kamida magaalooyinka ay xoogaga islaamiga ah maamulkaan ee waqooyiga suuriya dhacda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Mareykanka ayaa markale duqeymo wuxuushnimo ah ka geysatay mid kamida magaalooyinka ay xoogaga islaamiga ah maamulkaan ee waqooyiga suuriya dhacda.


Wararka ka imaanaya gobolka idlib ayaa sheegaya in duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka isbahaysiga caalamiga ah ee Mareykanku hoggaaminayo ay dileen ku dhawaad 30 qof oo badankood ah dad shacab ah.

Duqeymaha ayaa bartilmaameedsaday dhismayaal kuyaal magaalada Idib waxayna sababeen dhimashada 26 qof oo ay kujiraan haween iyo carruur.

Ragga Firfircoon ee soo tabiya kacdoonka Suuriya waxay sheegeen in Meydad iyo dhaawacyo lagasoo daad gureeyay burburka guryaha hoostiisa.


Wararka qaar ayaa sheegaya in duqeymaha lala rabay xarumo hay’adda Xureynta Shaam ay ku laheyd magaalada Idlib gaar ahaan kooxdii la oran jiray Fatxu Shaam balse ay gantaallada Mareykanku ku dhaceen dhismayaal dad shacab ah deganaayeen.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda difaaca dowladda Ruushka ayay ku sheegtay in aysan wax duqeyn ah ka geysan magaalada Idlib ee waqooyiga Suuriya.

Dad ku sugan magaalada Idlib waxay sheegeen in diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drone-ka ay muddo saacada ah dul heehaabayeen hawada magaalada kadibna waxaa bilaawday duqeymahan dadka badan lagu xasuuqay.

Dowladda Mareykanka ayaa bishii lasoo dhaafay duqeym tobaneeyo dagaalyahanno ku shahiideen ka fuliyay waqooyiga wadanka Suuriya.

Dhinaca kale nidaamka Nuseyriga Bashaar Al-asad ayaa dad shacab ah ku xasuuqay mandiqadda Ghuudada Bari ee duleedka magaalada Dimishiq halkaasi oo cadawgu isku dayayo in uu xoog ku galo.

Ugu yaraan 11 qof shacab ah ayaa la sheegay in ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Nidaamka Bishaar Al-asad.

Related Items