Maxkamad Kutaal Wadanka Kenya oo Diiday Go'aankii Lagu Xiri lahaa Xerada Qaxootiga Dha-dhaab.

Thursday February 09, 2017 - 18:05:15 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamad Kutaal Wadanka Kenya oo Diiday Go'aankii Lagu Xiri lahaa Xerada Qaxootiga Dha-dhaab.

    Wadanka Kenya waxaa lasoo gaba gabeeyay dood kulul oo ka taagneed go'aan ay horay ugaartay xukuumadda Kenya kaasi oo ku aadanaa sida laga yeelayo Xerada Qaxootiga Dhadhaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadanka Kenya waxaa lasoo gaba gabeeyay dood kulul oo ka taagneed go'aan ay horay ugaartay xukuumadda Kenya kaasi oo ku aadanaa sida laga yeelayo Xerada Qaxootiga Dhadhaab.

Maxkamadda Sare ee dalka Kenya ayaa laashay go’aankii dowladda Kenya ee dhigayay in la xiro Xerada Dhadhaab islamarkaana la eryo ku dhawaad 300-kun qof Soomaali qaxooti ah.

Xeer ilaaliyaha maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa magaalada Nairobi uga dhawaaqay in go’aanka xukuumaddu yahay mid sharci darra ah islamarkaana muujinaya cunsuriyad ka dhan ah dadka qaxootiga ah.

Bartamihii sanaddii 2016 ayay dowladda Kenya ku dhawaaqday in Tobanaan kun qaxooti Soomaali ah dalkooda dib loogu celinayo islamarkaana albaabada laysugu dhufanayo Xerada Dhadhaab oo kamid ah xeryaha qaxootiga ee ugu waa weyn caalamka.


Xarakada Al Shabaab ayaa horay u sheegtay in Kenya lacago malaayiin dollar ah caalamka bil walba uga qaadato furnaashiyaha xerada Dhadhaab islamarkaana aysan awoodin xiridda xeradaasi.

Diblumaasiyiin ku sugan magaalada Nairobi ayaa aaminsan in go’aanka maxkamadda Kenya soo saartay ay gadaal kasoo riixday xukuumadda Nairobi oo doonaysa in ay dhaqaale hor leh xerada Dhadhaab uga hesho waxa loogu yeero Beesha caalamka.

Related Items