Maxamed Sheekh Axmed "Farmaajo wadani waa yahay laakiin waa waddani maraykan ah" Dhageyso.

Sunday February 12, 2017 - 07:49:04 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Maxamed Sheekh Axmed "Farmaajo wadani waa yahay laakiin waa waddani maraykan ah" Dhageyso.

    Soomaaliya waa dal gumeystuhu qeybiyay isla markaana amni ahaan iyo siyaasad ahaan maamulo marka laga reebo meelaaha alshabaab ka taliso waxaa iminka lagu dhawaaqay in Maxamed Cabdulaahi farmaajo madaxweyne ka yahay asiga oo bedelay xasan sheekh Maxa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Farmaajo ayaa halku dhig ka dhigtay DANTA,DALKA iyo Dadka
Soomaaliya waa dal gumeystuhu qeybiyay isla markaana amni ahaan iyo siyaasad ahaan maamulo marka laga reebo meelaaha alshabaab ka taliso waxaa iminka lagu dhawaaqay in Maxamed Cabdulaahi farmaajo madaxweyne ka yahay asiga oo bedelay xasan sheekh Maxamuud.

 


Dadka gumeysi raac ah waxay iska indha tirayaan xaqiiqada waxaanay umadda ka iibinayaan fikrad foorarta oo ummadda god iyo booraan ku sii rideysa sababtoo ah dal la haysto ayay u sheegayaan in uu xor yahay laakiin waxaa jira kuwa runta jirideeda soo taabanaya si ay noogu digaan dabedeedna uga bad baadno bohosha laynaku wado.

Aqoon yahan maxamed sheekh axmed waa xog ogaal indhaha ku haya waxa soomaaliya ka socda goob joogna u ahaa tilaabooyinka badan oo gurracan oo cadawgu qaaday si xidadaha loogu siibo dalka iyo dadka soomaaliyeed diinta islaamkana meesha looga saaro.



Wuxuu sheegayaa iminka in aanay soomaaliya doorasha ka dhicin asigoo tilmaamay in dalku yahay mid la haysto oo aan madax banaaneyn .

"is bedel umbaa dhacay, gaalada ayaa markii ay ogaatay in daba dhilifkii hore aanuu wax tar ahayn waxay ku bedeshay daba dhilif kale” sidaasi waxaa yiri aqoon yahan maxamed sheekh axmed oo ay ka muuqatay in uu ka xun yahay halka soomaalida maanta xaalkeedu marayo iyo sida qaar ka mid ahu dhagarta loo maleegay wanaag ugu maleeyaan.

"dadka oranaya farmaajjo waa wadani, waxaanu oraneynaa warkii hadda ka hor uu yiri abwaankii caanka ahaa ee careys ciise kaarshe oo ahaa,

Soomaalaay dhaga la’eey,cagliga tii laga dhaceey,

Middii lagu dhaatayeey, waxaan laga dhalinineey,

Dhaadhaan meel yuurariyo, caryaa dhagax la hadli kara? Ayuu hadalkiisa ku daray maxamed sheekh axmed.

Wuxuu intaas ku daray " farmaajo in uu qirtay in aanuu wadani ahayn maxaa yeelay waa ninkii yiri dagaalka aan muqdisho uga jiraa waa mid aan ku difaacayo maraykanka”.

"Farmaajo wadani waa yahay laakiin wadani soomaali ah ma ahan waa waddani maraykan ah oo maraykanimadu kala weyn tahay masiirka umadda soomaaliyeed ” ayuu yiri aqoon yahan maxamed sheekh axmed.

wuxuu tilmamay in dalka ay mas’uul ka tahay oo ay dowlad ka tahay xarakada mujaahidiinta alshabaab asigoo hoosta ka xariiqay in ay umadda shareecada islaamka ku maamusho geesta kalena dagaal kula jirto shisheeyaha jensiyadaha kala duwan leh ee duulaanka ku gardarada ah ku yimid.

Halkan ka dhageyso Wareysiga MP3

W/D Warfaa Kheyrdoon

Isha Maqalka: Radio Alfurqaan

Related Items