Eng.idiris Xassan Faarax "Soomaaliya Waxaa Ku Loolamaya Dhaqan Reer Galbeed iyo Dhaqan islaam.. Farmaajo Waa Beenaale" Dhageyso.

Sunday February 12, 2017 - 09:32:08 in Wararka by
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Eng.idiris Xassan Faarax "Soomaaliya Waxaa Ku Loolamaya Dhaqan Reer Galbeed iyo Dhaqan islaam.. Farmaajo Waa Beenaale" Dhageyso.

    Bulshada Soomaaliyeed ayaa jawaab celinno kala duwan ka bixisay hoggaamiyaha cusub ee dowladda Federaalka yeelatay iyo waxa uu bedeli karo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Eng.idiris Xasan Faarax Waa Aqoonyahan Soomaaliyeed
Bulshada Soomaaliyeed ayaa jawaab celinno kala duwan ka bixisay hoggaamiyaha cusub ee dowladda Federaalka yeelatay iyo waxa uu bedeli karo.

Dadka Aqoonyahanada ah ee aragtida fog leh ayaa sheegay in Max’med Cabdullaahi Farmaajo uusan waxba dhaammin madaxdii soo martay dowladda Federaalka.

Eng. Idiris Xasan Faarax oo kamid ah Soomaalida qurba joogta ah oo wax badan ka yaqaan shakhsiyaadda Farmaajo ayaa carrabaabay in haddii uu maro wadadii Gurguurte.

Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdullaahi Yuusuf uu taariikh xumo ka tagi doono " Farmaajo waa Beenaale Museylamatul Kadaab oo kale ah marka uu leeyahay Nabad diidka ayaa sababay in Mareykanku xayiraad saaro dadka soomaalida qaxootiga ah” Eng. Idiris.


Wuxuu sheegay in waxa Soomaaliya ka socda ay yihiin loolan salka ku haaya diin iyo jiritaan umadeed kaaso oo u dhaxeeya Reer Galbeedka iyo muslimiinta.

"Soomaaliya waxaa isku haaya laba dhaqan oo kala ah Reer Galbeed iyo muslim” ayuu yiri Eng.idris Xasan Faarax.

Aqoonyahankan ayaa si waafi ah u bayaaniyay in Farmaajo uusan aheyn wadani difaacaya diinka iyo dalka wuxuuna sheegay in ku hadaaqidda Farmaajo ee Erayada Nabadiid iyo Argagaxiso ay Tarjumeyso in uu ku shanqeynayo Ajandayaal shisheeye oo aan ka Tarjumeyn dan soomaaliyeed.

 Halkan ka dhageyso Wareysiga Eng.idiris Xasan Faarax MP3

Isha Maqalka: Radio Alfurqaan

Related Items