2 Askari oo Lagu Dilay Weerar Bambaano oo Ka Dhacay isgoyska KPP Ee Degmada Hodon.

Monday February 13, 2017 - 08:45:10 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    2 Askari oo Lagu Dilay Weerar Bambaano oo Ka Dhacay isgoyska KPP Ee Degmada Hodon.

    Weerar khasaara dhaliyay ayaa ciidamo katirsan dowladda Federaalka lagula beegsaday dacalka galbeed ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar khasaara dhaliyay ayaa ciidamo katirsan dowladda Federaalka lagula beegsaday dacalka galbeed ee magaalada Muqdisho.

Wararka ka imaanaya degmada Hodon ayaa sheegaya in xoogag hubeysan ay weerar ku qaadeen bar koontarool oo ku taal isgoyska KPP ee degmada Hodon.

Goob joogayaal ayaa sheegay in 2 Askari ay ku dhinteen weerarka ka dhacay KPP halka sedax kale ay ku dhaawacmeen, qaar katirsan warbaahinta madaxa banaan ee ka howlgasha caasimadda ayaa baahisay in dhimashada ciidanka gaartay ay 2 askari ka badantahay.

Illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin taliska ciidanka Booliska Dowladda Federaalka oo ku saabsan weerarka ka dhacay degmada Hodon.


Xarakada Al Shabaab ayaa durbadiiba sheegatay Mas’uuliyadda weerarkan sida ay baahisay Idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items