Al Shabaab oo Saacada Kooban Dagaal Kula Wareegay Deegaanka Qalimoow Ee Sh/dhexe.

Monday February 13, 2017 - 08:44:10 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo Saacada Kooban Dagaal Kula Wareegay Deegaanka Qalimoow Ee Sh/dhexe.

    Ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa xalay duullaan ballaaran ku qaaday saldhigyo ay ciidamada dowladda Federaalka ku leeyihiin gobolka Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa xalay duullaan ballaaran ku qaaday saldhigyo ay ciidamada dowladda Federaalka ku leeyihiin gobolka Sh/dhexe.

Wararka ka imaanaya wadada xiriirisa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ayaa sheegaya in dagaallo culus ay xalay ka dhaceen deegaanka Qalimoow oo qiysaastii 60 KM dhanka waqooyi uga beeggan magaalada Muqdisho.

Dad ku sugan deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Al Shabaab ay muddo saacada ah maamulayeen Qalimoow kadib markii ay kala wareegeen ciidamadii maamulka Hirshabelle.

Ugu yaraan Sedax Askari oo katirsan ciidanka DF-ka ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaalka, xoogagii Al Shabaab ee weerarka qaaday ayaa horay usii qaatay hub ay wateen ciidamada ladilay.


Dhinaca kale war kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkii Qalimoow lagu dilay Afar Askari islamarkaana ay qaateen hubkii ay wateen sida ay baahisay Idaacada Andalus ee Afka xarakada ku hadasha.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in ciidamada Al Shabaab ay saaka aroortii dib uga gurteen Qalimoow waxaana dib ugusoo laabtay ciidamada DF-ka.

Degmada Balcad iyo deegaannada ku dhow ayaa laga maqlayay jugta madaafiicda iyo rasaasta labada dhinc isku weydaarsanayeen dagaalkii Qalimoow.

Dagaalkan ka dhacay Sh/dhexe ayaa kusoo aadaya xilli maleeshiyaad hubeysan ay isbaarooyin farabadan soo tubeen wadada xiriirisa degmooyinka Balcad iyo Jowhar.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items