Mid Kamida Odayaashii soo Xulay Baarlamaanka 'Galmudug' oo Muqdisho Lagu Dilay.

Tuesday February 14, 2017 - 09:59:28 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Mid Kamida Odayaashii soo Xulay Baarlamaanka 'Galmudug' oo Muqdisho Lagu Dilay.

    Magaalada Muqdisho wali waxaa kasii socda dilalka qorshaysan ee ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka shisheeye kalkaalka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Muqdisho wali waxaa kasii socda dilalka qorshaysan ee ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka shisheeye kalkaalka ah.

Wararka ka imaanaya suuqa Bakaaraha gaar ahaan degmada Hodon ayaa sheegaya in xoogag hubeysan ay ku dileen sarkaal katirsanaa maamulka ‘Galmudug’ isku magacaabay.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in ladilay Nabadoon Bashiir Xagaleey oo kamid ah odayaashii dhaqanka ee wax kasoo xulay xildhibaanada baarlamaanada Galmudug iyo Dowladda Federaalka.

Xoogagii dilka geystay ayaa la sheegay in ay si nabad gelya ah uga dhaqaaqeen goobta ay wax ku dileen, ma ahan markii ugu horraysay oo Muqdisho lagu dilo mid kamida odayaashii soo xulay baarlamaanka DF-ka.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items