Dagaallo Culus oo Ka Qarxay Deegaanka Cammaara Ee Gobolka Mudug.

Tuesday February 14, 2017 - 09:58:28 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaallo Culus oo Ka Qarxay Deegaanka Cammaara Ee Gobolka Mudug.

    Wararka ka imaanaya duleedka deegaanka Cammaara ee gobolka Mudug bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka qarxeen maanta gelinkii dambe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya duleedka deegaanka Cammaara ee gobolka Mudug bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka qarxeen maanta gelinkii dambe.



Dagaallada oo u dhaxeeya ciidamada Xarakada Al Shabaab iyo Maleeshiyaad taabacsan Maamulka Galmudug ayaa yimid kadib markii weerar kedis ah lagu qaaday maleeshiyaad uu watay sarkaal magaciisa lagusoo gaabiyay Joon oo daacad u ah dowladda Mareykanka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda iyo hugunka rasaas xoogan oo ay is dhaafsanayaan labada dhinac.

Warar hordhac ah waxay sheegayaan in ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay la wareegeen dhammaan goobihii lagu dagaallamay, dhinaca kale ciidamo Mareykan iyo Soomaali ah oo shalay gaaray deegaanka Cammaara ayaa dib ugu laabtay dhanka magaalada Gaalkacyo.



Faahin Faahinta wixii soo kordha dib ayaan kasoo sheegi doonaa insha’allaah

Related Items