Al Shabaab: 10 Askari Ayaa Cadowga looga Dilay Dagaallo Culus oo Ka Dhacay Duleedka Deegaanka Cammaara Ee Gobolka Mudug FAAH FAAHIN.

Tuesday February 14, 2017 - 17:55:33 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab: 10 Askari Ayaa Cadowga looga Dilay Dagaallo Culus oo Ka Dhacay Duleedka Deegaanka Cammaara Ee Gobolka Mudug FAAH FAAHIN.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo maanta gelinkii dambe ka qarxay deegaanno katirsan gobolka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo maanta gelinkii dambe ka qarxay deegaanno katirsan gobolka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya.



Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa yimid kadib markii ay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin weerar dhabagal ah u dhigeen Maleeshiyaad katirsan maamullada Galmudug iyo Puntland oo ay taageerayeen saraakiil Caddaan Mareykan ah.

War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in 10 askari maleeshiyaadka Cadawga looga dilay dagaalka halka tobanaan kalane looga dhaawacay.

"Dagaal ay Mujaahidiintu lagaleen maleeshiyaad Ashahaadda ladirir murtadiin ah oo ay taageerayaan ciidamada Saliibiyiin Mareykan ah ayaa kusoo dhammaaday duleedka deegaanka Cammaara ee wilaayada Mudug, illaah Fadligiis cadawgu waa jabay oo goobta dagaalka waxay uga carareen 5 Meyd hubkii ay wateena mujaahidiinta ayaa qaniimeystay” ayuu yiri Sarkaal u hadlay xarakada Al Shabaab oo  lagasii daayay idaacadda Andalus.



Ilo wareedyo Mas’uul ah ayaa shabakadda SomaliMeMo u xaqiijiyay in ciidamada huwanta ah iyagoo jabay ay dib ugu laabteen deegaanka Cammaara, dad goob joogayaal ah waxay sheegeen in ciidamada Galmudug iyo Puntland ay Cammaara geeyeen Meydadka 5 Askari.

Goobta lagu dagaallamay waxaa lagu arkay Meydadka 5 askari, ciidamo Mareykan ah oo wata gaadiid qafilan ayaa dagaalkii Cammaara ka qeyb galay iyagoona dagaal gelinayay maleeshiyaadka maamullada Galmudug iyo Puntland oo markii ugu horraysay iyagoo midaysan duullaan ku qaaday maamulka islaamiga ah ee ka arrimiya magaalada Xarardheere iyo deegaanada hoos yimaad.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaaradaha qumaatiga u kaca ee dowladda Mareykanka ay shalay gelinkii dambe illaa iyo xalay ku degayeen deegaanada Cammara iyo Ceel-huur halkaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ay dhaq dhaqaaqyo melleteri ka socdeen.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items