Cudurka Shubanka oo 100 Qof Ku Dilay Degmada Buur-hakaba Ee Gobolka Bay.

Wednesday February 15, 2017 - 08:09:13 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cudurka Shubanka oo 100 Qof Ku Dilay Degmada Buur-hakaba Ee Gobolka Bay.

    Tobanaan qof ayaa cudurka shubanka ugu dhintay magaalada Buurhakaba iyo deegaanada hoos yimaad ee gobolka Baay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tobanaan qof ayaa cudurka shubanka ugu dhintay magaalada Buurhakaba iyo deegaanada hoos yimaad ee gobolka Baay.



Cudurka oo ka dillaacay degmada Buurhakaba daba yaaqadii bishii Janaayo ee sanadkan ayaa saameeyay inta badan tuulooyinka hoos yimaad magaalada Buur-hakaba.

Agaasimaha isbitaalka Buur ayaa warbaahinta u sheegay in dad ka badan 100 qof ay cudurka ugu dhinteen gudaha magaalada iyo hareeraheeda wuxuuna ka dayriyay xaaladda ay ku suganyihiin Boqolaal qof oo cudurkaasi soo ritay.

Dhimashada ugu daran ayaa ka dhacday 5 tuulo oo dhanka Waqooyi uga beegan Buurhakaba, sababaha cudurkan ku faafay ayaa loo sababeeyay Ceelashii biyaha oo biya yareeyay in warihii deegaanka oo guray arrinkaasi oo sababay in dadku cabayaan biya wasakheysan.



Dhaqaatiirta caafimaadka waxay sheegayaan in cudurka daacuunka uu 280 qof ku dilay magaalooyinka Buur-hakaba iyo Baydhabo laba bilood gudahood.

Warar aan lagu kalsoonaan Karin waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ee gobolka Baay ku sugan ay ceelasha biyaha ku sumeen walxa sumaysan oo qeyb ka qaatay faafinta cudurkan dilaagga ah ee dadka badan laayay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items