Abuu Cadnaan oo Faah Faahiyay Khasaaraha Ka Dhashay Dagaalkii Cammaara iyo Xaaladda oo Deggan.

Wednesday February 15, 2017 - 08:13:13 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Abuu Cadnaan oo Faah Faahiyay Khasaaraha Ka Dhashay Dagaalkii Cammaara iyo Xaaladda oo Deggan.

    Xaalad deganaan ah ayaa lagasoo sheegayaa deegaanno katirsan gobolka Mudug ee Bartamaha dalka Soomaaliya oo shalay ay ka dhaceen dagaalla culus.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaalad deganaan ah ayaa lagasoo sheegayaa deegaanno katirsan gobolka Mudug ee Bartamaha dalka Soomaaliya oo shalay ay ka dhaceen dagaalla culus.



Deganaashiyahan oo ah kuwa aan caga adag ku taagneyn ayaa lagasoo sheegayaa duleedka deegaanka Cammaara.

Ciidamo Soomaali Asha-haadda ladirir ah oo ay taageerayaan saraakiil Caddaan American ah ayaa ku hungoobay duullaan ay ku qaadeen dhulka shareecada islaamka lagu maamulo ee Mudug sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Sheekh Abuu Cadnaan oo ah waaliga Mudug.

isagoo wareysi siinayay idaacadda Islaamiga Alfurqaan ayuu sheegay in duullaankii wilaayada lagu qaaday uu lakulmay turanturradii ugu Horraysay isagoona rajeeyay in cadowgu ku fashilmi doono cudwaankiisa.



Al Shabaab ayaa guulo ka sheegatay dagaalkii duleedka Cammaara waxayna sheegtay in 10 Askari ay ku dishay, Abuu Cadnaan ayaa wareysiga lala yeeshay ku sheegay in diyaaradaha Mareykanka ay warqado digniin ah ku daadiyeen deegaanno Mudug katirsan Ujeedkuna uu yahay cabsi gelinta shacabka.

Halkan ka degso Wareysiga Abuu Cadnaan MP3

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items