Warbixin: Waa Kuma Yaxye Al-Sinwaar Hoggaamiyaha Cusub Ee Xarakada XAMAAS.?

Wednesday February 15, 2017 - 08:12:13 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: Waa Kuma Yaxye Al-Sinwaar Hoggaamiyaha Cusub Ee Xarakada XAMAAS.?

    dhaq dhaqaaqa wax iska caabinta islaamiga XAMAAS ee ka dagaallama dhulalka Filasdiin gaar ahaan magaalada Ghaza ayaa hoggaamiye cusub doortay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Yaxye Alsinwaar ayaa sumcad ku dhax leh bulshada Filasdiin
dhaq dhaqaaqa wax iska caabinta islaamiga XAMAAS ee ka dagaallama dhulalka Filasdiin gaar ahaan magaalada Ghaza ayaa hoggaamiye cusub doortay.

kooxda Xamaas maamulkeeda marinka Ghaza waxaa wax ka badan 11 sanadood hoggaaminayay ninka lagu magacaabo ismaaciil Haniyah kaasi oo taariikh ku lahaa dagaalladii cadawga lala gelay islamarkaana ku lug lahaaday wadahadallo aan guuleysan oo dhaxmaray fatax iyo xamaas kadib markii ciidankii maamulka fatax laga eryay Marinka Ghaza sanaddii 2007.

Waxa loo yeero beesha caalamka ayaa caalami ahaan aqoonsan maamulka kajira magaalada Rammala ee calmaaniyiintu maamulkaan halka Ururka xamaas ay ku sumadeeyeen liiska waxa argagaxisada loogu yeero.


Hadaba hoggaan cusub ayay xamaas umaga caawday marinka Ghaza iyadoona lafilayo in isbedel cusub lagu sameeyeen xafiiska siyaasadda ururka xamaas oo badanaa ka howlgala dibadda.

War rasmi ah oo kasoo baxay hoggaanka ururka xammaas ayaa lagu sheegay in Yaxye alsinwaar uu yahay hoggamiyaha rasmiga ah ee xamaas isagoo bedelay ismaaciil haniyah.

Hoggaamiyahan cusub ayaa taariikh dahabi ah kulahaa jihaadka filasdiin wuxuuna xarrakada gudaheeda ku leeyahay saameyn dhan walba ah, Yaxye wuxuu xamaas kamid noqday xilligii ay manhajka jihaadiga ku dhageneed wuxuuna lasoo noolaaday sheikh axmed Yaasiin iyo C/caziiz alrantiizi.

Yaxye Alsinwaar ayaa ku dhashay Mukhayam kuyaal magaalada khan Yoonis sanadku markii uu ahaa 1962, inta badan noloshiisa wuxuu ku qaatay hoggaaminta dagaalka muqaawamada filasdiin sanaddi 1988 ayuu ku dhacay gacanta ciidanka yahuudda isagoo muddo 20 sano ka badan ahaa maxbuus balse markii dambe ayaa lagasii daayay xabsiga wuxuuna kamid noqday boqolaal maxaabiis ah oo xammaas ay ku bedelatay askarigii Yahuudiga galcaad shaaleed.

Sida wariyaashu sheegayaan Yaxye wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee aas-aasay nidaamka amniga Xamaas kaasi oo loollan adag kula jira sirdoonada dhagarta badan ee Yahuudda Sahyuuniyadda sidoo kale wuxuu kamid ahaa aas-aasayaashii katiibada cizudiin alqassaam.

يحيى السنوار

 hoggaamiyaha cusub ee xamaas ayaa ka caraysiiyay Yahuudda waxaana dhulka filasdiin laga hadal hayaa isbedellada uu la imaan karo.

Saxafi wax falanqeeya oo ku sugan Marinka Ghaza ayaa sheegay in yaxye uu yahay nin khibrada badan leh sida milleteriga amniga iyo siyaasadda islamarkaana taageero shacbiyadeed ku dhax leh magaalada Ghaza doorashadiisana wuxuu ku tilmaamay mid dabiici ah oo qeyb ka ah hab maamulka udeggan xoogaga muuqawamada filasdiin

Falanqeeyayaasha ujanjeera dhanka mucaskarka calmaaniyiinta ee maamulka magaalada Rammallah waxay sheegayaan in doorashada Yaxye aysan wax sidaas uweyn kusoo kordhin doonin xamaas balse uu noqonayo markii ugu horraysay oo nin melleteri ah uu madax unoqdo ururka xmmaas halka kuwii hore ay ahaayeen siyaasiyiin maamula makaatibta siyasadda.

Sirdoonka Yahuudda ayaa Yaxye Al-Sinwaar ku tilmaama wasiirka difaaca Xamaas waana aas-aasaha hay'adda sirdoonka Xamaas ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan Majdi, sidoo kale Alsinwaar ayaa la sheegaa in uu aas-aasay Garabka Cizuddiin Alqasaam oo ah garabka melleteri ee xarakada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items