Gaari Ay la Socdeen Saraakiil Katirsan Ciidanka Itoobiya oo Lagu Qarxiyay Magaalada Beled Weyne.

Wednesday February 15, 2017 - 18:21:32 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Gaari Ay la Socdeen Saraakiil Katirsan Ciidanka Itoobiya oo Lagu Qarxiyay Magaalada Beled Weyne.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo ciidamada Xabashida Itoobiya lagula beegsaday gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore magaalada Beled weyne
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo ciidamada Xabashida Itoobiya lagula beegsaday gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya magaalada Beled Weyne ayaa sheegaya in qarax loo adeegsaday Miino dhulka lagu aasay ciidanka Itoobiya lagula eegtay xaafadda Nuur Xawaad ee dhacda Bariga magaaladaasi.

Nuur Cali Warsame oo Hiiraan ku sugan ayaa soo sheegay in qaraxu uu haleelay gaari qooqan ah oo ay la socdeen saraakiil katirsan melleteriga Itoobiya.

Ciidanka la qarxiyay ayaa watay sedax gaari Uuraal ah,gaari Booyad ah iyo gaari nuuciisu yahay Qooqaan oo ay wateen saraakiisha ciidanka Itoobiya ee saldhigga ku leh buurta Janta Kuundisho.


Goob joogayaal ayaa sheegay in gebi ahaanba gaariga ay wateen ciidanka Itoobiya ee labeegsaday uu burburay waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday askartii la socotay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa kadib ay ciidamo Itoobiyaan ah isku fidiyeen xaafadaha dhaca Bariga Beled Weyne iyagoona gacanta ku dhigay illaa iyo 7 qof oo ay uga shakiyeen in ay wax ka ogaayeen qaraxa.

Ma ahan markii ugu horreeyay oo weeraro ka dhan ah ciidamada gumeysiga Itoobiya iyo kuwa Jabuuti uu ka dhaco magaalada Beled Weyne ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items