Dhageyso:Waxgaradka Gobalka Mudug Oo Maamulka 'Puntland' Ku Eedeeyay Dagaalladii ka Dhacay Deegaanka Cammaara.

Thursday February 16, 2017 - 11:06:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:Waxgaradka Gobalka Mudug Oo Maamulka 'Puntland' Ku Eedeeyay Dagaalladii ka Dhacay Deegaanka Cammaara.

    Waxgaradka iyo saalaadiinta kasoo jeeda gobolka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa ka hadlay duullaan ay ciidamo shisheeye iyo maleeshiyaad katirsan maamulka Puntland kusoo qaadeen deegaano katirsan gobolka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxgaradka iyo saalaadiinta kasoo jeeda gobolka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa ka hadlay duullaan ay ciidamo shisheeye iyo maleeshiyaad katirsan maamulka Puntland kusoo qaadeen deegaano katirsan gobolka.



Odayaasha ayaa Puntland ku eedeeyay in duullaan qaawan kusoo qaadday deegaanada Mudug iyadoo ujeedkeedu yahay in ay burburiso nabadda iyo deganaashiyaha ka jira deegaanadooda.


Waxgaradka ayaa uga digay  maamullada isku magacaabay 'Puntland' iyo 'Galmudug' in ay sii wadaan duullaanada ka dhanka ah dhulalka Nabdoon xilli abaaro iyo duruufo adag kajiraan gobolka Mudug, waxay sheegeen in maleeshiyaadkan Ashahaadda ladirirka ah ay gadaal kasoo riixayaan saraakiil caddaan Mareykan ah.




Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay wareysiyo ay la yeelatay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka beelaha dega gobalka Mudug kuwaasi oo ugu horeyntii bogaadiyay jabka soo gaaray maleeshiyaatka maamulada dowlada Itoobiya dhisatay ee Puntland iyo Galmudug iyo ciidamadii gaalada cadaanka ee duulaanka kusoo qaaday qeybo ka mid ah gobalkaasi.

Nabadoonka ayaa intaasi ku daray in odayaasha iyo guud ahaan shacabka ku dhaqan gobalkaasi ay ka go’antahay iney garab istaagaan maamullada islaamiga ah ee shareecada Islaamka dadka ku maamula.

Halkan Ka Dhageyso Odayaasha Mudug.

Related Items