Shirkadda Nokia oo dib u soo celineysa Taleefankii caanka ahaa ee Nokia 3310.

Thursday February 16, 2017 - 11:33:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadda Nokia oo dib u soo celineysa Taleefankii caanka ahaa ee Nokia 3310.

    Waxaa aad loo hadal hayaa in shirkadda Nokia ay qorshaynayso soo celinta taleefoonkeedii caanka ahaa ee Nokia 3310.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa aad loo hadal hayaa in shirkadda Nokia ay qorshaynayso soo celinta taleefoonkeedii caanka ahaa ee Nokia 3310.


Qaar ka mid ah dadka taleefoonada isticmaala ayaa aad ugu riyaaqay taleefankaas tayada badnaa iyaga oo baraha bulshada adeegsanaya.

Haddii aad suuqa u baxday si aad u soo gadato taleefan cusub sanadkii 2000, waxaa laga yaabaa in taleefanka 3310 uu ka mid ahaa kuwa aad rajaynaysay in aad gadato.

BBC ayaa la xiriirtay Nokia si ay wax uga waydiiso wararkan la isla dhexmarayo balse shirkaddu way ka gaabsatay.


"Inkastoo aan u riyaaqnay warkaas sida dadka kalaba, haddana sida aan markaste uga jawaabno arrimahaas oo kale ayaan uga jawaabaynaa, kamana hadalno wararka suuqa laga hadal hayo iyo saadaalinta.

Nokia

Waxaa laga yaabaa in ay u ekaato in qofina uusan rabin taleefankan 17 jirka ah ee caanka ku ahaa ciyaarta maska iyadoo ay adduunka haystaan taleefoonada Android-ka iyo iphone-nada, balse khuburadu waxay rumaysan yihiin in wali boos u bannaan yahay.

Alistair Charlton oo tifaftire ku xigeen ka ah IB Times, ayaa BBC Newsbeat u sheegay in uu ku kalsoon yahay in ayaydii ay isticmaali karto 3310 balse ay u badan tahay in aysan garanin meesha laga billaabo isticmaalka iphone ama Android.

Wuxuu intaas ku daray in aad taleefan labaatan gini ah la aadi karto goobaha xalfadaha adiga oo guriga dhiganaya taleefoonkaaga muraayadda ka samaysan ee iphone-ka ah.

Dad badan ayaa ka heli doona sida adag ee ay u qaabaysay shirkaddu, qiimahiisa jaban iyo wakhtiga dheer ee baytarigu shaqeeyo ayuuna sii raaciyay.

Dad badan oo isticmaala taleefanada caaqilka ah ayaa ka calaacala baytariga durba ka dhamaada marka arrintaas darteed ayaa laga yaabaa in ay dad badan ku qaado in ay gataan Nokia 3310.

Xigasho: BBC

Related Items