Safiirkii Dowladda imaaraadka Ee Wadanka Afghanistan Oo u Dhintay Dhaawac Horay Usoo Gaaray.

Thursday February 16, 2017 - 11:32:06 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Safiirkii Dowladda imaaraadka Ee Wadanka Afghanistan Oo u Dhintay Dhaawac Horay Usoo Gaaray.

    Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqday sedax maalmood oo Baroor diiq ah kadib markii uu geeriyooday diblumaasi caan ah oo katirsanaa xukuumadda Abu Dhabi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqday sedax maalmood oo Baroor diiq ah kadib markii uu geeriyooday diblumaasi caan ah oo katirsanaa xukuumadda Abu Dhabi.

Isbitaal kuyaal magaalada caasimadda ah waxaa ku dhintay Jumca Max’med Cabdalla Al Kacbi oo ahaa safiirkii Imaaraadka Carabta ee dalka Afghanistan islamarkaana galaangal weyn ku dhax lahaa qoyska talada haaya.

Safiirka ayaa u dhintay dhaawac culus oo kasoo gaaray weerar qarax ah oo 10,1,2017 lagula beegsaday magaalada Qandahaar ee Koonfurta Wadanka Afghanistan.

Max’med Bin Zaayad oo ah Ninka leh dhaxalka boqortooyada Imaaraadka Carabta ayaa ka tacziyadeeyay dhimashada Alkacbi oo uu ku tilmaamay ‘Nin qaran’.


Xarakada Islaamiga Taliban ayaa horay u beenisay in ay mas’uulka ka aheyd weerarka lagu qaaday safiirka Imaaraadka ee Afghanistan iyo guddoomiyaha gobolka Qandahaar.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa safka hore uga jirta dagaalka loogu magac daray ka hortagga Argagaxisada ee dowladda Mareykanka iyo xulufadeeda ka wadaan caalamka Islaamka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
somalimemo@gmail.com

Related Items