Xasan Gurguurte oo Villa Somalia isaga Tagay iyo Madaafiic Lagusoo Dhoweeyay Farmaajo.

Thursday February 16, 2017 - 11:51:06 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Gurguurte oo Villa Somalia isaga Tagay iyo Madaafiic Lagusoo Dhoweeyay Farmaajo.

    Afar sanadood iyo bilo kadib Xasan Sheekh Maxamuud Hoggaamiyihii hore ee dowladda Federaalka ayaa isaga tagay xarunta madaxtooyada Villa Somalia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afar sanadood iyo bilo kadib Xasan Sheekh Maxamuud Hoggaamiyihii hore ee dowladda Federaalka ayaa isaga tagay xarunta madaxtooyada Villa Somalia.

isagoo taariikh madoow ka tagay ayuu xarunta isaga dhaqaaqay wuxuuna cadawga ugacan geliyay kaabayaasha dhaqaalaha dalka wuxuu ceyrteeyay boqolaal kun shacab ah.

Xasan Gurguurte ayaa maamulka madaxtooyada si rasmi ah ugu wareejiyay Max’med Cabdullaahi Farmaajo kadib munaasabad ballaran oo maanta halkaasi ka dhacday.

Gurguurte ayaa Soomaalida uga tagay hadallo dulli iyo dabadhilifnimo xambaarsan isagoo ciidamada shisheeye ee gumeysiga ku haayo dadka ku tilmaamay geesiyaal dhiigooda u daadiyay xureynta Soomaaliya!.


Xasan Sheekh oo ahaa Madaxweynihii ugu xumaa ee Soomaaliya soo mara Cabdullaahi Yuusuf Kadib ayaa dowladaha Itoobiya iyo Kenya si gaar ah ugu mahad celiyay wuxuuna sheegay in ay qeyb weyn ka qaateen caga isku taagga DF-ka.

Madaxii hore ee Villa Somalia marnaba sooma hadal qaadin Xasuuqii ay ciidamada shisheeye ugeysteen kumanaan kamid ah shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale weerar madaafiic ah ayaa lagu qaaday madaxtooyada Villa Somalia xilligii ay socotay munaasabadda xil wareejinta ah.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda qaraxyada madaxtooyada lagu qaaday sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka xarakada ku hadasha.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items