Warbixin: Colkii Ku Duulay Xarardheere oo Fashilmay Kadib Dagaalkii Cammaara.

Thursday February 16, 2017 - 19:27:26 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 5 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: Colkii Ku Duulay Xarardheere oo Fashilmay Kadib Dagaalkii Cammaara.

    waxaa Gebi ahaanba fashilmay duullaan melleteri oo maleeshiyaadka maamullada Galmudug iyo Puntland oo taageera ka helaya saraakiil Mareykan ah ku qaadeen deegaanno katirsan gobolka Mudug bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxaa Gebi ahaanba fashilmay duullaan melleteri oo maleeshiyaadka maamullada Galmudug iyo Puntland oo taageera ka helaya saraakiil Mareykan ah ku qaadeen deegaanno katirsan gobolka Mudug bartamaha dalka Soomaaliya.



Wararka ka imaanaya Mudug ayaa sheegaya in ciidamadii huwanta ahaa oo Meydad iyo dhaawacyo farabadan wata ay dib ugu laabteen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ciidamada oo dhanka cirka ay ka taageerayaan diyaaradaha Drone-ka loo yaqaan ay maanta gelinkii dambe gaareen deegaanka Bud-bud oo isku xira degmooyinka Hobyo iyo Garacad waxayna ugasii gudbayaan waddo aadda dhanka Gaalkacyo.



Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadan ay ka koobanyihiin maleeshiyaad ka kala yimid maamullada Galmudug iyo Puntland balse waxaa tababartay oo mushaar joogta ah siisa dowladda Mareykanka.

Ujeedka ciidankan ayaa ahaa in ay qabsadaan magaalada Xarardheere balse dagaal maalin ka hor ka dhacay deegaanka Cammaara ayaa rejadoodii hal bacaad lagu lisay ka dhigay kadib markii 10 askari laga dilay islamarkaana 15 kale laga dhaawacay.

Warar ay SomaliMeMo ka heshay gobolka Mudug waxay sheegayaan in ciidankii colka ahaa ee lagula dagaallamay deegaanka Cammaara ay dhaxdooda qaab beeleed isku khilaafeen kadib markii ay gaartay guuldarradii ugu horraysay ee dagaalka.

Nin lagu magacaabo Col.Joon oo dadka deegaanku sheegeen in uu yahay Zaniim aan aabe laheyn ayaa degmada Hobyo ka sheegay in ujeedka duullaankoodu uusan aheyn qabsashada Xarardheere balse ay doonayeen in ay shidaal iyo macdan ka baartaan Cammaara iyo Hobyo balse weerar ay kala kulmeen Al Shabaab sidaasna ay ku galeen dagaal aysan ku tashanayn!.

Saraakiisha caddaanka ah ee dagaal gelinaysay maleeshiyaadka ayaa amar kusiiyay in ay dib ugu laabtaan garoonka diyaaradaha Gaalkacyo halkaas oo la filayo in ay ku gorfeeyaan sababaha fashilka keenay.

Ciidamada Al Shabaab ayaa maamulaya dhammaan deegaanada  hoos yimaad Magaalada Xarardheere ee xeebta ku teedsan, waxgarad kasoo jeeda gobolka Mudug ayaa maamulka ‘Puntland’ ku eedeeyay in deegaanadooda uu duullaan gardarra ah kusoo qaaday xilli abaar daran ay mandiqadda ka jiraan.

Sheekh Abuu Cadnaan oo ah waaliga gobolka Mudug ayaa isna warbaahinta u xaqiijiyay in ciidankii colka ahaa uu Jabay wuxuuna dadka deegaanka uga mahad celiyay sida ay uga qeyb qaateen difaaca deegaanadooda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
somalimemo@gmail.com

Related Items