Maxkamadda Islaamiga Galhareeri oo Xukun Gacan Goyn Ah Ku Fulisay Ruux Xatooyo Geystay.

Saturday February 18, 2017 - 09:39:57 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Islaamiga Galhareeri oo Xukun Gacan Goyn Ah Ku Fulisay Ruux Xatooyo Geystay.

    Markale mid kamida maamullada Islaamiga ah ee taabacsan xarakada Al Shabaab ayaa Fuliyay Xukun Islaami ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markale mid kamida maamullada Islaamiga ah ee taabacsan xarakada Al Shabaab ayaa Fuliyay Xukun Islaami ah.

Maxkamadda ku dhaqanka shareecada Islaamka ee Wilaayada Islaamiga Galgaduud ayaa shalay gelinkii dambe  xukun Xaddu Sariqa ah ku fulisay Wiil  dhalinyaro ah oo fal tuuganimo ah ka geystay mid ka mid ah goobaha ganacsi ee ku yaalla degmada Galhareeri ee Galgaduud, iyadoona boqolaal dadweyne ah ay isugu soo baxeen fagaarihii xukunka lagu fulinayey.

Xukunkan ayaa lagu fuliyay Max'med Cilmi Jaamac oo 27 sana Jir ah kaasi oo ay ku caddaatay dacwad lagusoo oogay oo ku saabsaneyd in fal xatooyo ah uu ka geystay goob ganacsi oo ku taal suuqa weyn ee ganacsiga magaalada Galhareeri.


Qaadiga Maxkamadda ayaa goobta ka akhriyay dacwadda lagusoo oogay  ninka  xatooyada geystay, waxaana qaadiga uu sheegay in eedaysanuhu uu qirtay falka uu geystay.

Markii xukunka la fuliyay waxaa goobta isqabsaday takbiirta iyo sawaxanka boqolaal dadweyne ah oo isugusoo baxay fagaarihii lagu fulinayey xukunka.

Shacabka ku dhaqan gobolka Galguduud ayaa Nabad gelyo iyo kala dambeyn ku helay ku dhaqanka shareecada Islaamka, dilalka macna darrada ah iyo xatooyada ayaa aad ugu yar dhulal ay ka jiraan maamullada Islaamiga ah ee dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items