Dagaallo Culus oo Markale Ka Dhacay Deegaanka Ceelasha Biyaha Ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Saturday February 18, 2017 - 10:29:09 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaallo Culus oo Markale Ka Dhacay Deegaanka Ceelasha Biyaha Ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

    Dagaallo culus ayaa duleedka magaalada Muqdisho ku dhaxmaray ciidamada shabaabul Mujaahidiin iyo kuwa shisheeyaha Afrikaanta ah ee duullaanka kusoo qaaday Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaallo culus ayaa duleedka magaalada Muqdisho ku dhaxmaray ciidamada shabaabul Mujaahidiin iyo kuwa shisheeyaha Afrikaanta ah ee duullaanka kusoo qaaday Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa sheegaya in iska hor’imaadyo culus ka dhaceen xaafadda Arbacoow oo saldhigyo ay ku leeyihiin ciidamada AMISOM.

Jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay ayaa laga maqlayay intabadan degmooyinka magaalada Muqdisho waxayna dagaalladu dhaliyeen khal khal iyo cabsi.

ciidamada shabaabul Mujaahidiin ayaa la sheegay in dhowr jiho ay ka weerareen saldhigyada AMISOM kadibna cadawga ayaa madaafiic ku garaacay xaafado ka baxsan goobaha lagu dagaalamay.


Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in khasaara lixaad leh uu ciidamada AMISOM kasoo gaaray dagaalla soo laalaabtay ee lagula galay Ceelasha Biyaha.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items