Xarakada Al Shabaab oo Gurmad Ufidisay Dad Ku Saamoobay Abaaraha Soomaaliya ku dhuftay.

Saturday February 18, 2017 - 10:29:09 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Xarakada Al Shabaab oo Gurmad Ufidisay Dad Ku Saamoobay Abaaraha Soomaaliya ku dhuftay.

    Maamullada islaamiga ah ee kajira gobollada Bay iyo Bakool ayaa billaabay in ay Gurmad u fidiyaan dadka ku dhibaatoobay abaaraha dalka kajira.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamullada islaamiga ah ee kajira gobollada Bay iyo Bakool ayaa billaabay in ay Gurmad u fidiyaan dadka ku dhibaatoobay abaaraha dalka kajira.

Gurmad ballaaran ayaa shalay lagaarsiiyay deegaanka Doodaale oo qiyaastii 30 KM ujira degmada Buula Fuulay ee gobolka Baay, gargaarka oo isugu jiray raashin, daawo iyo biyo waxaa ka faa’iidaystay boqolaal qoys oo ku saamoobay jiilaalka daran ee dalka ka jira.

Sheekh Macalim Geedoow waaliga Bay iyo Bakool oo munaasabadda deeq qeybinta ka hadlay ayaa sheegay in ay wax uqaban doonaan dadka dhibaataysan inta awoodooda ah.


Mas’uuliyiinta wilaayada Islaamiga ah ayaa ugu baaqay in dadka hantida leh ah iyo muxsiniinta in ay lasoo degdegaan kaalmeynta dadka taabalaysan ee abaaruhu saameeyeen.

Jamciyadda Al-ixsaan alkheyriyah ayaa dhowr mar sidaan oo kale raashin iyo dawa qeybin ugu sameysay dad ku dhibaatoobay abaaraha ku dhuftay gobollada dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items