Khubaro Caafimaad iyo Siyaasiyiin Mareykan Ah oo Sheegay in Trump uu Qabo Cudurka Waallida!

Monday February 20, 2017 - 12:31:05 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khubaro Caafimaad iyo Siyaasiyiin Mareykan Ah oo Sheegay in Trump uu Qabo Cudurka Waallida!

    Dood kulul ayaa ka taagan xaaladda caafimaad ee madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump kadib hadallo is khilaafsan oo uu jeediyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dood kulul ayaa ka taagan xaaladda caafimaad ee madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump kadib hadallo is khilaafsan oo uu jeediyay.



Saxaafadda ugu caansan dalka Mareykanka ayaa sheegtay in qulqulatooyin dhanka siyaasadda ah ay gaabis ka dhigeen shaqadii madaxweyne ee Trump loo igmaday 30 maalmood kadib markii uu xilka kala wareegay Brack Obama.

Warbixin uu qoray wargeyska caanka ah ee New York Times ayuu ku faaqiday waxa ay khubarada caafimaadka Mareykanka ka qabaan xaaladda caafimaad ee Trump.

John McCain oo kamid ah senetarrada dalka Mareykanka ayaa xaqiijiyay in qulqulatooyin dhanka maamulka ah uu hareeyay aqalka Cad.



"Runtii dhibaatooyin maamul ayaa hareeyay maamulka cusub ee dalka Mareykanka, waxaad arkaysaa amar madaxweynaha kasoo baxay oo durbadiiba garsoorayaasha maxkamadaha ay diidayaan, lataliyayaashii dhanka amniga madaxweynaha ayaa iscasilaya durbadiiba madaxweynaha ayaa warbaahinta weeraraya” ayuu yiri John MacCain.

Khubaro caafimaad waxay sheegeen in madaxweynaha Mareykanka uu qabo cudurka isla weyniday iyagoo tusaale usoo qaatay in uu jecelyahay go’aan qaadasho kaligii ah iyo in isaga la faan faaniyo.

Trump ayaa maalmo ka hor shir Jaraa’id oo uu qabtay ugu hanjabay qeybaha kala duwan ee warbaahinta Mareykanka oo uu ku sifeeyay cadawga koowaad ee dadka Mareykanka ah leeyihiin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items