Dhageyso:Falanqeyn Ku Saabsan Caqabadaha Horyaalla Maamulka Cusub Ee Farmaajo.

Tuesday February 21, 2017 - 09:40:42 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:Falanqeyn Ku Saabsan Caqabadaha Horyaalla Maamulka Cusub Ee Farmaajo.

    Dr Xanafi Cabdi Sheekh Aadan iyo Nabadoon Axmed Cismaan ayaa wadaagay falanqeyn ay qabatay idaacadda Alfurqaan oo diirada lagu saaray Doorashada Farmaajo iyo waxa laga Filan karo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dr Xanafi Cabdi Sheekh Aadan iyo Nabadoon Axmed Cismaan ayaa wadaagay falanqeyn ay qabatay idaacadda Alfurqaan oo diirada lagu saaray Doorashada Farmaajo iyo waxa laga Filan karo.



Farmaajo ayaa in badan umadda kusoo jiitay waxyaabo ay kamid yihiin in shisheeyaha uu saarayo, danaha dalka iyo dadkana ka shaqeynayo isagoo iska fogeeyay diinta.

Axmed Cismaan ayaa qaba in Farmaajo Caqabadaha ugu weyn ee soo wajahaya yihiin fulin la’aanta waxa uu usheegay shacabka.

Dowladda Farmaajo ayaa ku dhaqmaysa Dastuurka uqornaa Dowladdii uu hormuudka u ahaa Xasan Sheekh.



Dastuurkaasi ayaa waxaa ku qoran waxyaabo badan oo ka dhan ah diinta islaamka.

Sidaasi Darteed ayuu Dr Xanafi sheegay in Dowladda Farmaajo aysan ahayn tii ay rabeen oo ay doonayaan dowlad islaam ah oo umadda ku hagta kuna xukunta shareecada islaamka oo barax tiran.

Dowladihii lasoodhisay sanadihii ka danbeeyay burburkii Dowladi Siyaad barre ayaa waxaa qeyb ku lahaa dhismahooda odayaal lagu sheegay inay yihiin dhaqankii umadda, islamarkaana matali kara aayahooda.

Hadaba si dhab ah marka loo eego odayaashaasiwaxa ay bulshada ka dhex ahaayeen ayaa lagu faafaahiyay falanqeynta.

Shisheeyaha ayaa dalka kusoo celiyay qurbo joog sanado ka maqnaa wadankakuwaasi oo udhaartay fulinta danaha dalalka ay ka yimaadeen.

Iyaga ayaa qabta xilalka ugu muhiim dowladaha walibii kuwii ugu danbeeyay ee lasoo magacaabay.

Dr Xanafi Cabdi sheikh Aadan ayaa Aaminsan in Qurba joogta ay ku horkufi doonnaan mujaahidiinta kuwaasi oo uu sheegay in diyaar uyihiin naftooda inay ku difaacaan diinta oo baadilka ay suuliyaan.

Halkan Ka Dhageyso Falanqeynta Dr Xanafi iyo Axmed Cismaan.

 

 

Xigasho: idaacadda Alfurqaan

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items