4 Sarkaal oo dowladda Ruush-ka looga Dilay Qarax Ka Dhacay Bartamaha Suuriya.

Tuesday February 21, 2017 - 18:32:10 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    4 Sarkaal oo dowladda Ruush-ka looga Dilay Qarax Ka Dhacay Bartamaha Suuriya.

    Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa sheegaya in saraakiil katirsan melleteriga Suuriya lagu dilay qarax ka dhacay bartamaha wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa sheegaya in saraakiil katirsan melleteriga Suuriya lagu dilay qarax ka dhacay bartamaha wadankaasi.

War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda difaaca Ruushka ayaa lagu sheegay in Afar sarkaal oo lataliyaal melleteri ah ay dhinteen kadib markii lagu qarxiyay gobolka Ximis Ee Suuriya.

Dowladda Ruushka ayaa bayaanka ay soo saartay ku sheegtay in Bambaano wadada hareeraheeda ladhigay ay burburisay gaari melleteri oo ay la socdeen saraakiisha ladilay.

Ilo wareedyo ayaa wakaaladaha wararka u sheegay in kolonyo melleteri oo kusii jeeday saldhigga cirka Tayaas ee ku dhow magaalada Tadmur uu qarax xooggan haleelay.


Melleteriga Russia ayaa kaalin weyn ka geystay in ciidamada Nidaamka Bishaar Al-asad iyo maleeshiyaadka Shiicada ay dib u qabsadaan magaalada Xalab oo ah caasimadda 2-aad ee dalka Suuriya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items