Taliyihii Guutada 4-aad Ee Ciidanka Itoobiya oo Lagu Dilay Gudaha Soomaaliya.

Tuesday February 21, 2017 - 18:36:10 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Taliyihii Guutada 4-aad Ee Ciidanka Itoobiya oo Lagu Dilay Gudaha Soomaaliya.

    Markii ugu horraysay dowladda Itoobiya ayaa qirtay in khasaara lixaad leh uu kasoo gaaray dagaalkii cuslaa ee sanaddii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawirka taliyihii guutada 4-aad ee Itoobiya oo Halgan lagu dilay
Markii ugu horraysay dowladda Itoobiya ayaa qirtay in khasaara lixaad leh uu kasoo gaaray dagaalkii cuslaa ee sanaddii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya.

Munaasabad baroordiiq iyo billad guddoonsiin isugu jirtay oo ka dhacday magaalada Jigjiga ee dhulka Somaligalbeed ayuu madaxweynaha Itoobiya uga dhawaaqay in dagaalkii ka dhacay deegaanka Halgan lagu dilay ciidamo farabadan oo uu ku tilmaamay ‘Geesiyaal Qaran’.

"Qaranka Itoobiya ma hilmaami doono halyeeyadii looga dilay dagaalkii cuslaa ee Islaamiyiinta Al Shabaab lagula galay magaalada Halgan ee bartamaha Soomaaliya” Ayuu yiri Mulatu Teshome madaxweynaha aan fulinta awoodeed laheyn ee Itoobiya.


Saraakiil katirsan melleteriga Itoobiya oo khudbad ka jeediyay munaasabadda loogu baroor diiqayay ciidankii lagu laayay Halgan ayaa sheegay in wixii dhacay ay ahaayeen dagaal gacmaha layskula tagay.

General Samora Yenus oo ah taliyaha ciidanka difaaca Itoobiya oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in dagaalka ay uga jiraan Soomaaliya uu yahay mid adag.

Itoobiya waxay xaqiijisay in dagaalkii Halgan looga dilay taliyihii Guutada 4-aad ee Melleteriga Itoobiya waana sarkaalkii ugu darajada sarreeyay oo looga dilo dalka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items