Waddooyinka Muqdisho oo Xiran iyo Wufuud Ka Qeyb Gelaysa Munaasabadda Caleema Saarka Farmaajo.

Wednesday February 22, 2017 - 07:54:38 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waddooyinka Muqdisho oo Xiran iyo Wufuud Ka Qeyb Gelaysa Munaasabadda Caleema Saarka Farmaajo.

    Dhammaan waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho ayaa shalay gelinkii dambe illaa iyo maanta xiran waxaana istaagay isku socodkii gaadiidka dadweynaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhammaan waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho ayaa shalay gelinkii dambe illaa iyo maanta xiran waxaana istaagay isku socodkii gaadiidka dadweynaha.



Malaayiin qof oo ku nool magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa ku xayiran guryahooda kadib markii dowladda Federaalka iyo ciidamada shisheeyaha AMISOM ay Bandow maalmeed kusoo rogeen magaalada.

Inta badan suuqyada ganacsiga waaweyn ayaa xiran sida Bakaaraha, Suuq Bacaad iyo Xamar Weyne, dad fara kutiris ah oo cagahooda maalaya ayaa si teel teel ah loogu arkayaa waddooyinka Makka Al-mukarramah iyo Wadnaha.



Goob Joogayaal ayaa SomaliMeMo u sheegay in ciidamo wajiyadu uduubanyihiin lagusoo daadiyay waddooyinka muhiimka ah, wadada aadda dhanka garoonka diyaaradaha waxaa lagu gadaamay taangiyada AMISOM.

Munaasabadda Caleema saarka Max’med Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in ay ka dhacdo xarunta ciidanka cirka Afisyooni ee garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wufuud caalami ah ayaa la filayaa in ay kasoo qeyb galaan munaasabadda caleema saarka Farmaajo balse illaa iyo hadda lama oga in R/wasaaraha Itoobiya uu kamid yahay madaxda kasoo qeyb gelaysa.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items