Xabaal Wadareed Ay Ku Aasanyihiin Dad la Xasuuqay oo Laga Helay Wadanka Itoobiya.

Wednesday February 22, 2017 - 10:24:43 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xabaal Wadareed Ay Ku Aasanyihiin Dad la Xasuuqay oo Laga Helay Wadanka Itoobiya.

    Hubanti la'aan ayaa ka taagan masiirka nololeed ee kumanaan qof oo ku lug lahaa kacdoonka shacbiga ah ee ka socda wadanka Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hubanti la'aan ayaa ka taagan masiirka nololeed ee kumanaan qof oo ku lug lahaa kacdoonka shacbiga ah ee ka socda wadanka Itoobiya.

Wararka ka imaanaya gobolka Amhara ee galbeedka Itoobiya dhaca ayaa sheegaya in ciidamada xukuumadda ay daldalaad ku fuliyeen boqolaal qof oo katirsan kooxaha mucaaradka.

Warar ay baahiyeen warfaafinta mucaaradka ayaa lagu sheegay in xabaal wadareedyo ay ku aasanyihiin dad la xasuuqay laga helay degmada Dabre-Taber.

Ilo wareedyo waxay sheegayaan in ciidamada melleteriga ay si qarsoodi ah u dileen odayaal, dhalinyaro iyo dumar kuwaasi oo dhammaantood ku lug lahaaday kacdoonka ka dhan ah xukuumadda Addis Ababa.


Ragga Firfircoon ee soo tabiya dhibaatada kajirta Itoobiya waxay sheegayaan in ciidanka melleteriga ay si hoose ku xasuuqayaan dhammaan dadka mucaaradsan ee kasoo jeeda qowmiyadaha Oromada iyo amxaarada.

Dowladda Itoobiya ayaa daba yaaqadii bishii October 2016 ku dhawaaqday in 6 bilood oo xaalad degdeg ah la geliyay dhammaan gobollada kacdoonadu ka socdaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items