Dr Afyare Cilmi "Dowladda Farmaajo Waxba kama Duwan Maamulkii Xasan Sheekh".

Wednesday February 22, 2017 - 19:18:29 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dr Afyare Cilmi "Dowladda Farmaajo Waxba kama Duwan Maamulkii Xasan Sheekh".

    Saacado yar kadib markii la caleema saaray Hoggaamiyaha cusub ee dowladda Federaalka ayay aqoonyahanada Soomaalida iyo falanqeeyayaashu aragti isku mid ah ka bixiyeen waxa ay qaban karto xukuumadda Cusub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xasan sheekh ayaa looga adkaaday doorashadii madaxtinimo
Saacado yar kadib markii la caleema saaray Hoggaamiyaha cusub ee dowladda Federaalka ayay aqoonyahanada Soomaalida iyo falanqeeyayaashu aragti isku mid ah ka bixiyeen waxa ay qaban karto xukuumadda Cusub.



Afyare Cilmi oo wax ka dhiga jaamacadda Qadar ee Magaalada Dooxa ayaa Idaacadda Codka Mareykanka VOA u sheegay in dowladda cusub ee Farmaajo aysan waxban ka duwanayn maamulkii ka horreeyay ee Xasan Gurguurte.

Wuxuu sheegay in ballanqaadka Farmaajo ee afar arrimood uu dhammaantood horay ugu fashilmay Xasan Gurguurte arrimahaas oo kala ah 1-sugidda maniga 2-ladagaallanka Musuq maasuqa 3- gurmadka abaaraha 4- baahinta dib uheshiisiinta soomaalida.



Dhammaan Afartan qodob waxay kamid ahaayeen Lixdii Tiir ee Xasan Sheekh Ballanqaaday bishii September 2012 balse uu ku fashilmay taasi bedelkeedna uu sii kordhiyay dhibaatada Soomaaliya.

"Khudbadda Madaxweynaha wax sidaas uweyn ugama duwanayn balanqaadyadii uu horay ujeediyay Xasan Sheekh waxaan dhihi karnaa waa lixdii tiir ee madaxweynihii hore oo laba tiir dhiman” sidaas waxaa yiri aqoonyahan Soomaaliyeed.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items