Ciidamada Xarakada Taliban oo dagaal kula Wareegay Magaalo istiraatiiji Koonfurta Wadanka Afghanistan.

Thursday February 23, 2017 - 11:48:06 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Xarakada Taliban oo dagaal kula Wareegay Magaalo istiraatiiji Koonfurta Wadanka Afghanistan.

    Markale ciidamada Imaarada Islaamiga Afghanisan ayaa duullaan ballaaran ku qaaday deegaano katirsan gobolka Qandahaar ee dhaca Koonfurta wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markale ciidamada Imaarada Islaamiga Afghanisan ayaa duullaan ballaaran ku qaaday deegaano katirsan gobolka Qandahaar ee dhaca Koonfurta wadankaasi.



Wararka ka imaanaya dalka Afghanistan ayaa sheegaya in dagaallo culus oo u dhaxeeya ciidamada Imaarada Islaamiga Afghanistan iyo maleeshiyaatka maamulka daba dhilifka ah ee fadhigiisu yahay magaalada Kaabul ay ka bilaawdeen gobolka Qandahaar.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ciidamada mujaahidiinta imaraarada islaamiga ah ay gudaha ugaleen degmo lagu magacaabo Shorabak oo ka tirsan gobalka Qanadahaar waxayna u awood sheegteen maleeshiyaadkii xukuumadda dabadhilifka ah.



War rasmi ah oo kasoo baxay mujaahidiinta imaarada islaamiga ah ayaa muslimiinta loogu bishaareeyay in magaalada Shorabak ay ku dhacday gacanta mujaahidiinta islamarkaana maleeshiyaadka cadawga ay ka firxadeen goobta dagaalka.


"Ciidamada Mujaahidiinta ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta degmada Shorabak halkaas ayay ka taageen raayada cad ee towxiidkaā€¯ ayaa lagu yiri warka kasoo baxay mujaahidiinta Afghanistan.


Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada xukuumadda dabadhilifka ha hor intii aysan cararin ay gubeen xarunta degmada iyo saldhigga booliska.

Warbaahinta maxalliga Afghanistan ayaa sheegtay in tobaneeyo askari oo katirsan cadawga lagu dilay dagaalkii cuslaa ee ka dhacay gobolka Qandahaar.

Afhayeenka Imaarada Islaamiga Sheekh Qaari Muxamed Yuusuf oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga si buuxda gacanta ugu hayaan degmada, waxuuna afhayeenka intaasi ku daray in degmadaan ay noqoneysa degmadii afaraad oo ka tirsan gobalka Qandahaar oo ay la wareegeen ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan.


Falanqeeyaal melleteri oo ku sugan magaalada Kabuul ayaa ka digay in dagaalyahanada Taliban ay isku fidiyaan gobolka Qandahaar oo inta badan dadka degan ay taageersanyihiin jihaadka wadanka ka socda, gobolka Qandahaar ayaa mar xarun u ahaa dowladdii islaamiga aheyd ee Afghanistan maamuli jirtay ka hor intii uusan Mareykanku burburin sanaddii 2001.

 

Related Items