Al Shabaab oo Sheegatay Mas'uuliyadda Dilka Sarkaal Katirsanaa Sirdoonka Dowladda Federaalka.

Saturday February 25, 2017 - 10:58:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo Sheegatay Mas'uuliyadda Dilka Sarkaal Katirsanaa Sirdoonka Dowladda Federaalka.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil ka dhacay degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho xilli dilalka iyo qaraxyada ay kusii xoogeysanayaan degmooyinka gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil ka dhacay degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho xilli dilalka iyo qaraxyada ay kusii xoogeysanayaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Xoogag hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa khaarijiyay guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Xamar Jajab balse hadda kamid ahaa saraakiisha sirdoonka DF-ka ee ‘Nabad sugidda’ loo yaqaan.

Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka rag bastoolado ku hubeysan ayaa afaafka hore ee gurigiisa ku dilay Col.Max’med Cumar oo horay xilal kala duwan ugasoo qabtay maamulka degmada Xamar Jajab.

War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay Mas’uuliyadda dilka sarkaalkan katirsan sirdoonka Dowladda Federaalka sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka xarakada ku hadasha.


Al Shabaab waxay sheegtay in Col.Max’med Cumar uu xubin firfircoon ka ahaa Sirdoonka DF-ka islamarkaana uu ku lug lahaa dhibaatooyin ka dhan ah Shacabka Rayidka ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items