Sawirro+Warbixin: Ufuroow Waa Magaalo Ceynkee Ah.

Sunday February 26, 2017 - 07:40:48 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Sawirro+Warbixin: Ufuroow Waa Magaalo Ceynkee Ah.

    Degmada Ufuow waxa ay kamid tahay Degmooyinka gobolka Baay Ee hadda shareecada islamaka lagu maamulayo waxay qiyaastii 108 KM dhanka Galbeed kaga begantahay magaala Baydhabo, sidoo kale Degmada Diinsoor ayay Qiyaastii 40 KM kaga begantahay dhanka gal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Degmada Ufuow waxa ay kamid tahay Degmooyinka gobolka Baay Ee hadda shareecada islamaka lagu maamulayo waxay qiyaastii 108 KM dhanka Galbeed kaga begantahay magaala Baydhabo, sidoo kale Degmada Diinsoor ayay Qiyaastii 40 KM kaga begantahay dhanka galbeed halka Qansaxdheere oo degaan ahaan ay isu dhowyihiin Ujirto 18 KM.


Sidookale waxay Xad laleedahay Degmoyiinka Baardheere iyo Buurdhuubo ee katirsan gobolka Gedo, waana magaalo istiiji ah lehna ahmiyad dhaqaale.

iguma Cusbeyn arageeda iyo magaceeda dhoor jeer oo hore ayaan Safaro Shaqo ku tagey,laakin isbedel kaduwan kii aan ku arkey laba sano ka hor ayaa markan iiga muuqdey magaalada oo mar marka ka danbeeyey sii balaaraneysa sidaas waxaa yiri Cali oo ah wariyaha warbixinta soo diyaariyay.



Ufuroow deegaan ahaan waxaa la aas aasay sanaddii 1901 xiligaas oo nin lagu magacaabi jiray Sheekh Ibraahim uu soo degey tan iyo Waqtigaasna si tar tiib Tartiib ah ayay ukoraysey,1962 ayaa Dadka Deegaanka oo is abaabuley misana loolan adag kala dhexeeyey Qabaa’illada ay deriska Yihiin Bilaabeen in ay Mideyaan awoodooda islamarkaana ay kasoo gureen Tulooyinkii kale Ufurow udhowaa si Tuulada Yarta ah ee dadka Beeralayda ah degan yihiin ay unoqoto magaalo weyn.

Waxa ay soo dhisantaba 1983 ayaa Dowladii xiligaasi ka jirtay soomaaliya ay ku dawaaqdey degmadanimada balse Muran iyo khilaafaad kayimid Degmadii laga maamulayay Ee Qansaxdheere ayay si rasmi ah aysan unoqon degmo rasmi ah Waloow maamul iyo awood dheeri ah lasiiyey hayeeshe maamulladii kaladuwanaa ee wadanka soo marey ayaa xoojiyey Degmanimadeeda illaa Akhirkii maamulka mujahaidiinta uu lawareego.

Halkan ka dhageyso Barnaamijka Booqashada Andalus iyo Ufuroow MP3

Hoos Ka Daawo Sawirrada.








Related Items