Codad: Beesha Abgaal oo Xarakada Al Shabaab Ku Wareejisay 100 Qori iyo Lacag Boqolaal Milyan Shilin Soomaali Ah.

Sunday February 26, 2017 - 08:36:53 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Codad: Beesha Abgaal oo Xarakada Al Shabaab Ku Wareejisay 100 Qori iyo Lacag Boqolaal Milyan Shilin Soomaali Ah.

    Kadib munaasabad ballaaran oo ka dhacday degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh/dhexe ayna kasoo qeyb galeen mas'uuliyiin iyo odayaal dhaqameedyo ayaa xarakada Al Shabaab lagu wareejiyay hub iyo dhaqaala farabadan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib munaasabad ballaaran oo ka dhacday degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh/dhexe ayna kasoo qeyb galeen mas'uuliyiin iyo odayaal dhaqameedyo ayaa xarakada Al Shabaab lagu wareejiyay hub iyo dhaqaala farabadan.



Beesha Abgaal Cismaan oo kamid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa 100 qori AK47 ah iyo lacago Boqolaal malyan shilin Soomaali ah ku wareejisay xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Sheekh Yuusuf Ciise Kaba Kutukade oo ah waaliga Sh/dhexe iyo imaamka guud ee Beesha Abgaal ayaa munaasabadda ka sheegay in beesha Abgaal hadda wixii ka dambeeya ay garab taagantahay halganka Jihaadka ah ee ka socda Soomaaliya.

Beesha Abgaal ayaa Al Shabaab ugacan gelisay 100 qori AK47 cuseyb ah oo halkii qori lagasoo bixiyay lacag dhan 1800 dollar sida uu xaqiijiyay Sheekh Yuusuf Ciise Kaba Kutukade.



Sidoo kale beesha Abgaal ayaa Xarakada Al Shabaab ku wareejisay Afar Boqol oo Milyan Shilin Soomaali ah.

Waxgaradka Beesha Abgaal waxay sheegeen in waqtiyadii ay xilalka madaxtinimo hayeen Xassan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sh.Axmed ay dhalinyarada beesha geliyeen dagaallo halaag sababay balse wixii hadda ka dambeeya aysan beeshu ku dagmi doonin shirqoollada shisheeyuhu soo maleegay.

Halkan ka dhageyso Sh.Yuusuf Kaba Kutukade MP3


Halkan ka dhageyso Waxgaradka Beesha Abgaal MP3

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items