Nabadoon Cali Kheyre oo Lagu Dilay Muqdisho Kadib Markii uu Soo Xulay Qaar Katirsan Xildhibaanada Baarlamaanka DF-ka.

Sunday February 26, 2017 - 08:34:53 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nabadoon Cali Kheyre oo Lagu Dilay Muqdisho Kadib Markii uu Soo Xulay Qaar Katirsan Xildhibaanada Baarlamaanka DF-ka.

    Sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah xoogag hubeysan ayaa degmada Wardhiigleey ku khaarijiyay mid kamida odayaashii dhaqanka ee soo xulay baarlamaanka dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore oo muujinaya qarax Muqdisho ka dhacay
Sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah xoogag hubeysan ayaa degmada Wardhiigleey ku khaarijiyay mid kamida odayaashii dhaqanka ee soo xulay baarlamaanka dowladda Federaalka.

Xalay Maqribkii ayaa isgoyska Cali Kamiin lagu dilay Nabadoon Cali Kheyre oo sanaddii lasoo dhaafay magaalada Cadaado uga qeyb qaatay soo xulista xildhibaanada Baarlamaamka DF-ka ee dhanka maamulka Galmudug isku magacaabay.

Xoogagii weerarka geystay ayaa si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqay, ugaarsiga ka dhanka ah odayaashii soo xulay xildhibaanada ayaa si xowlli ah uga socda magaalada Muqdisho.

Saraakiisha ammaanka DF-ka ayaa umuuqda kuwa dayacay oo meel cidla ah uga dhaqaaqay odayaasha kadib markii ay ku shaqeysteen oo ay geliyeen siyaasad halis ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items