Al Shabaab oo Weeraro Ka Fulisay Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso.

Tuesday February 28, 2017 - 08:52:34 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo Weeraro Ka Fulisay Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso.

    Weeraro hor leh ayaa lagusoo warramayaa in lagu qaaday askar iyo saraakiil katirsan maamulka isku magacaabay Puntland ee ka jira gobollada waqooyi Bari Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Gaalkacyo waxay marti gelisay dagaallo dad badan ku dhinteen
Weeraro hor leh ayaa lagusoo warramayaa in lagu qaaday askar iyo saraakiil katirsan maamulka isku magacaabay Puntland ee ka jira gobollada waqooyi Bari Soomaaliya.


Ciidamada Xarakada  Al-Shabaab ayaa weeraro kala duwan waxay habeenkii xalay ka fuliyeen magaalooyinka Gaalkacayo iyo gobolka Mudug, weeraradaas oo lagu beegsaday ciidamo iyo Saraakiil katirsan maamulka Puntland.

Dhanka Boosaaso, ciidamo katirsan  Al-Shabaaba ayaa weerar hubeysan ku qaaday bar kontorool oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan maamulka Puntland, waxaana goobta dhacay is rasaaseyn dhexmartay labada dhinac.


Ugu yaraan saddex Askari oo uu ku jiro Sarkaal sare oo katirsan Puntland ayaa goobta lagu dhaawacay, waxaana suuragal ah in khasaaraha uu intaas kabato.

Dhanka kale magaalada Gaalkacyo ayaa rag hubeysan oo katirsan Mujaahidiinta waxay ku dhaawaceen Gudoomiyihii Maxkamadda Darajada koowaad ee maamulka Puntland ee gobolka Mudug Cabdi Raxmaan Kilwa.

Weerarada ka dhanka ah saraakiisha iyo ciidanka Puntland ayaa kusoo badanaya magaalooyinka uu maamulkaas ka arimiyo.


Xigasho: Idaacadda Alfurqaan

Related Items