Dhageyso Falanqeyn: Muxuu Ka Dhiganyahay Qorshaha Cusub Ee Maamulka Trump Uga Qeyb Qaadanayo Duullaanka Soomaaliya?

Tuesday February 28, 2017 - 20:15:34 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso Falanqeyn: Muxuu Ka Dhiganyahay Qorshaha Cusub Ee Maamulka Trump Uga Qeyb Qaadanayo Duullaanka Soomaaliya?

    Wasaaradda G/dhigga dowladda Mareykanka ayaa Aqalka Cad ugudbisay qorshe cusub oo ay ku sheegayso in sare loogu qaadayo beegsiga askarta iyo saraakiisha Xarakada Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

17 Askari American ah ayaa lagu dilay Somalia sagaashameeyadii
Wasaaradda G/dhigga dowladda Mareykanka ayaa Aqalka Cad ugudbisay qorshe cusub oo ay ku sheegayso in sare loogu qaadayo beegsiga askarta iyo saraakiisha Xarakada Al Shabaab.

Qoraalkan oo uu ku saxiixanyahay wasiirka cusub ee Gaashaandhigga USA oo warbaahinta wadankaasi u taqaan "Eyga waalan” ayaa Donald Trump madaxweynaha cusub ka codsanaya in uu ansixiyo tallaabadan cusub ee lagu xoojinayo duullaanka Soomaaliya.

Waxyaabaha go’aankan dhigayo waxaa kamid ah in Mareykanku uu kordhiyo weerarada ka dhanka Ah Al Shabaab, iyo in ciidamada khaaska Mareykanka ay awood u leeyihiin in ay ka barbar dagaallamaan ciidamada DF-ka  sidoo kale waxaa kamid ah in ay duqeeyaan isku imaatinada ay ku suganyihiin askarta iyo saraakiisha Al Shabaab.


Dhammaan qodobadan ma ahan kuwa cusub oo Mareykanka ayaa sanadadii lasoo dhaafay si toos ah ugu lug lahaa dagaalka ka socda dalka Soomaaliya.

Hadaba Maxay tahay ujeedka laga leeyahay go’aanada cusub waxaa si kooban u falanqeeyay saxafiga Faysal Xassan Cali Guji Halkaan MP3

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items