Dhageyso: Al Shabaab oo Ku Baaqday in Labaaro Sababta Keentay in Uu Gubto Suuqa Bakaaraha.

Wednesday March 01, 2017 - 09:03:11 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Al Shabaab oo Ku Baaqday in Labaaro Sababta Keentay in Uu Gubto Suuqa Bakaaraha.

    Xarakada Al Shabaab ayaa ka hadashay dabkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka kacay maalin ka hor suuqa ganacsiga Bakaaraha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarakada Al Shabaab ayaa ka hadashay dabkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka kacay maalin ka hor suuqa ganacsiga Bakaaraha.


Waaliga Wilaayada Islaamiga Banaadir Sheekh Cali Jabal oo waraysi siiyay idaacadda  Andalus ayaa ka hadlay dabkii dhawaan ka kacay suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha.

Sheekh Cali ayaa sheegay in aysan ahayn markii ugu horreysay oo uu gubto Suuqa Bakaaraha, isagoo carabaabay in dhibaatadan ay tahay waxay Insaanku gacantooda ku kasbadeen.


Isagoo sii hadlaya wuxuu sheegay Sheekhu in Allaah ay ka baryayaan in dadkii ku hanti beelay gubashadaaas uu bedel wanaagsan siiyo.

Sheekh Cali Jabal ayaa shaki geliyay in dhinacyo cadow ah mas’uul ka ahaayeen dabka soo laalaabtay ee Suuqa Bakaaraha isagoo tusaale usoo qaatay in laba bilood ka hor hal habeen mar qura ay wada gubteen suuqyada ganacsiga ee Dharkeynleey, Bakaaro iyo Baydhabo.

Mahubno mana dhihi karno cadowga ayaa ka dambeeya balse waxaan hubnaa in masaa’ibta dhacayso bani’aadamku gacantooda ku sameysto waa xaqiiq in gaaladu ku farxayaan waxaan dhibka muslimiinta gaara, waxaan ku baaqaynaa in si gaar ah baaritaan loogu sameeyo arrinta soo celcelisa gubashada suuqa”ayuu yiri Sheekh Cali Jabal.

Al Shabaab ayaa ku baaqday in baaritaan dheeri ah lagu sameeyo sababta keentay gubashada suuqa, "waxaan ognahay in suuqa Bakaaraha ee gubtay uu ahaa halkii looga gurman lahaa kumanaanka qof ee ku dhibaataysan abaaraha dalka Soomaaliya kajira”. ayuu yiri sheekh Cali.

Ugu dambeyntii mas'uulka xarakada Al Shabaab u qaabilsan gobolka Banaadir ayaa dadka hantida leh ugu baaqay in ay ugurmadaan dadkii ku hanti beelay dabkii ka kacay qeybo katirsan Suuqa Bakaaraha.

Halkan ka degso Wareysiga Cali Jabal MP3

Isha Maqalka: Radio Andalus

Related Items