Trump oo Khudbaddiisi Ugu Horraysay Hanjabaad Toos Ah Ugu Jeediyay islaamka iyo Muslimiinta.

Wednesday March 01, 2017 - 10:25:04 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Trump oo Khudbaddiisi Ugu Horraysay Hanjabaad Toos Ah Ugu Jeediyay islaamka iyo Muslimiinta.

    Hoggaamiyaha dowladda Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddii ugu horraysay ujeediyay golaha Koongareeska Mareykanka tan iyo markii xilka madaxweyne loo magacaabay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha dowladda Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddii ugu horraysay ujeediyay golaha Koongareeska Mareykanka tan iyo markii xilka madaxweyne loo magacaabay.


Trump ayaa khudbaddiisa diiradda ku saaray arrimo dhowr ah oo ay ugu horrayso ladagaalanka muslimiinta balse uu ugu yeeray 'islaamka Xagjirka ah'.

Wuxuu sheegay in darbi dhagax iyo silig ka sameysan uu ka dhisayo xadka Koonfureed ee Mareykanku la wadaago wadanka Meksiko si loo koontaroolo mukhaadaraadka iyo dadka soo galootiga ah.

"Waxaan fulin doonaa dhammaan balanqaadkeygii xilligii doorashada waana difaacaynaa xuduudeenaa iyo ehellada Mareykanka" ayuu yiri Trump.


Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku dheeraaday ka hadalka dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero 'Argagaxisada' isagoo yiri "waan burburin doonaa Argagaxisada islaamiga ah ma ogolaanayno in ay dalkeena ka dhigtaan gabaad aamin ah" ayuu hadalkiisa sii raaciyay Trump.

Golaha Koongareeska Mareykanka ayuu ka codsaday in ay wax ka bedelaan nidaamka Caafimaadka Mareykanka ee loo yaqaan 'Obama Care'.

Donald Trump oo 40 maalmood haaya xukunka Mareykanka ayaa ballan qaaday in uu ka shaqeyn doono dib udhiska Mareykanka isagoo cod dheer ku yiri "6 Tiriliyoon ayaan tobankii sanadood ee lasoo dhaafay ku dhisnay Bariga dhexe anagana wadankeenii ayaa sii burburaya oo dib udhis ubaahan waa in aan dalkeena dhisanaa oo aanan dalal kale dhisan".

Mar uu ka hadlayay arrimaha difaaca wuxuu sheegay in dowladdiisu ay sare u qaadi doonto miizaaniyadda uga baxdo dhanka melleteriga waana farqi u dhaxeeya Obama iyo maamulkan cusub.

Hoggaamiyahan cunsuriga ah kama gamban naceybka uu uqabo islaamka iyo muslimiinta wuxuuna ku hanjabay in muslimiinta soo galootiga ah wadanka ka saarayo islamarkaana uu duqeymo iyo dagaallo toos ah lagelayo muslimiinta hubeysan ee caalamka islaamka ka dagaallamaya waana khudbad weerar ah oo Trump uusan waxba ula harin muslimiinta.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in Khudbadda Trump ay banaanka soo dhigeysay sida uu u doonayo in dhaqaalaha uu kajaro dowladaha khaliijka Carabta oo madaxdii Mareykanka soo maray ay taageero dhanka melleteriga ah iyo dhaqaalaha siin jireen iyagoo u kaashanaya ladagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items