Farmaajo "Al Shabaab hal lug ayay ku taagan yihiin, lugtaasna waa u bixineynaa".

Thursday March 02, 2017 - 08:38:33 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo "Al Shabaab hal lug ayay ku taagan yihiin, lugtaasna waa u bixineynaa".

    Hoggaamiyaha dowlada Federaalka ayaa markale hanjabaad ujeediyay xarakada Al Shabaab ee ka dagaallanta Bariga Afrika gaar ahaan Soomaaliya iyo Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Farmaajo ayaa ammaanay duulaanka AMISOM ee Somalia
Hoggaamiyaha dowlada Federaalka ayaa markale hanjabaad ujeediyay xarakada Al Shabaab ee ka dagaallanta Bariga Afrika gaar ahaan Soomaaliya iyo Kenya.

Max’med Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka hor jeedinayay baarlamaanka Cusub ee DF-ka ayaa sheegay in xarakada Al Shabaab ay ku taagantahay hal lug islamarkaana lugta kale ay dhulka ugu dhufan doonaan.

"Shabaab waa ka adkaaneynaa, Shabaab hal lug ayay ku taagan tahay, lugtaas waa u bixineynaa, kuwa la qaladay ee carruurteena ah waxaa leenahay soo noqday, wixii aad sameyseen waa la idinku qasbay, hooyooyinkiisa u soo noqda, asxaabtiina u soo noqda” ayuu yiri Farmaajo.


Madaxweynaha cusub ee Dowladda Federaalka ayaa horay u sheegay in iyagoo adeegsanaya ciidamada AMISOM oo Itoobiya iyo Kenya kamid yihiin ay xarakada Al Shabaab ka saarayaan dalka Soomaaliya.

Waxaa meesha kasii baxaya hankii laga qabay Farmaajo ee ahaa in uu yahay madaxweyne neceb ciidamada shisheeye balse waxaa muuqata in uu sii sharciyaynayo duullaanka gumeystuhu kusoo qaadeen Soomaaliyeed.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items