Saraakiil Katirsan Hay'adaha Reer Galbeedka Ee Ku Sugan Magaalada Hargeysa oo U Gefay Diinta Islaamka.

Thursday March 02, 2017 - 09:04:51 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil Katirsan Hay'adaha Reer Galbeedka Ee Ku Sugan Magaalada Hargeysa oo U Gefay Diinta Islaamka.

    Maamulka isku magacaabay Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ka masaafuriyay dad ajaanib reer galbeed ah oo aflagaadeeyay diinta islaamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka isku magacaabay Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ka masaafuriyay dad ajaanib reer galbeed ah oo aflagaadeeyay diinta islaamka.



Magaalada Hargeysa ayaa sanadadii ugu dambeeyay waxaa kusoo badanayay dadka ugefay diinta islaamka heer ay gaartay in saraakiisha hay’adaha Q.midoobe ay shaqaalaha Soomaalida ka mamnuucaan tukashada salaadaha faradka ah.

Laba Nin oo u shaqeynayay hay’adda Miina barista DDG iyo hay’adda Qaxootiga NRC ee laga leeyahay dalka Norway ayaa Hargeysa laga Eryay waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan dambiyada ay galeen labadaasi Nin reer galbeedka ah.



Labadan qof ayaa lagu eedeeyey in wax ka sheegeen diinta islaamka ,isla markaana midna Dirawalkiisa oo salaad tukanaya handadaad u geysatay, halka midka kalana Eedaan ka baxaya masaajidda Hargeysa uu dhibsaday islamarkaana uu duray aadaanka.

"waxa shaqaalaheena gudhu ee hay’adaasi ka shaqeeyaa ka cawdeen laba sarkaal oo shaqaale caalami ah oo ka socday labadan hay’adood oo imika hal xafiis ku wada shaqeeya oo isku xafiis ah ee DRC iyo DDG, waxanay labadan sarkaal ku gafeen diinteena suuban, mid dirawalkeedii oo slaada ku jira ayey hadiday iyadoo wakhtigaasi Madaarka Hargeysa ka soo degaysa, ka kalena eedaan baxaya ayaa laga sheegay inuu hadal waan wanaagssanayn laga soo wariyey”sidaas waxaa yiri Maxamed Ibraahim oo kamid ah wasiirada ‘Somaliland’.

Culimaa’udiin uu kamid yahay Sheekh Aadan Sune aya dhowr mar ka hadlay gaalaysiinta ay bulshada ka dhax wadaan hay’adaha Q.Midoobe iyo kuwa midowga Yurub balse maamulka ‘Somaliland’ ayaa xabsiyada ku xiray culimadaasi umadda uga digay halista hay’adaha shisheeye
.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]


Related Items