Wasiir Horay Uga Tirsanaa DF-ka oo Saadaaliyay in Al Shabaab ay Soomaaliya la Wareegi Doonto Haddii Ay Baxaan Ciidamada AMISOM.

Saturday March 04, 2017 - 08:10:56 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Horay Uga Tirsanaa DF-ka oo Saadaaliyay in Al Shabaab ay Soomaaliya la Wareegi Doonto Haddii Ay Baxaan Ciidamada AMISOM.

    Siyaasiyiin horay uga tirsanaa dowlada Federaalka ayaa ku dhawaaqay in ciidamada shisheeyaha AMISOM ay isaga bixi doonaan dalka Soomaaliya iyagoo aan xaqiijin hadafkii ay dalka ugusoo duuleen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiyiin horay uga tirsanaa dowlada Federaalka ayaa ku dhawaaqay in ciidamada shisheeyaha AMISOM ay isaga bixi doonaan dalka Soomaaliya iyagoo aan xaqiijin hadafkii ay dalka ugusoo duuleen.



Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur oo horay wasiir ugasoo noqday maamulkii Shariif Sheekh Axmed ayaa walaac ka muujiyay sanad kadib bixitaanka ay iskusoo diyaarinayaan ciidamada shisheeye.

Wuxuu carabaabay in 10 sanadood oo kasoo wareegtay joogitaanka shisheeyaha AMISOM aan hadda la heyn ciidamo awood leh oo DF-ka leedahay kuwaasi leh karti ay kula wareegi karaan magaalooyinka ay ka bixi doonaan ciidamada shisheeye.


"AMISOM waxay joogtaa mudo 10 sano ah. Weli lama hayo ciidan Soomaaliyeed oo masuuliyada kala wareega. Waxaana lagu qasban yahay in ay AMISOM baxdo, hadii kale waxay isku bedelaysaa culaysā€¯ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Siyaasigan oo ah dabadhilif ayaa sanaddii 2009 dowladda Kenya u saxiixay in ay la wareegto qeyb kamid ah badda dalka Soomaaliya, warkan kasoo yeeray wuxuu xoojinayaa saadaalinta ah in ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay dib ula wareegi doonaan magaalooyin waaweyn marka ay baxaan ciidamada shisheeye.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items