Itoobiya " Waxaan Fashilinay Weerar Lagu Burburin lahaa Biya Xireenka Al-Nahda".

Saturday March 04, 2017 - 11:09:32 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya " Waxaan Fashilinay Weerar Lagu Burburin lahaa Biya Xireenka Al-Nahda".

    War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in ciidamada melleteriga wadankaasi ay fashiliyeen isku day ay kooxo hubeysan ku burburin lahaayeen bira xireenka murunka badan dhaliyay ee Al Nahda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in ciidamada melleteriga wadankaasi ay fashiliyeen isku day ay kooxo hubeysan ku burburin lahaayeen bira xireenka murunka badan dhaliyay ee Al Nahda.



Saadaq Abraha Wasiiru dowlaha isgaarsiinta dowladda Itoobiya ayaa sheegay in arbacadii lasoo dhaafay ay ka hortageen isku day ballaaran oo ay kooxo hubeysan kusoo galeen qeybo kamid ah biya xireenka Nahda waxaana halkaasi ka dhacay dagaal saacado badan qaatay.

"Ciidanka xoogga dalka Itoobiya waxay dileen 13 kamid ah kooxo calooshood u shaqeystayaal ah oo soo weeraray biya xireenka Al Nahda, ujeedkoodu wuxuu ahaa in ay kharbudaad geystaan” ayuu yiri Saadaq Abraha.


Dowladda Itoobiya ayaa ku dooday in ay xirtay 7 kamid ah kooxihii weerarka soo qaaday uu dagaalka kadib u baxsaday Suudaan balse markii dambe ay ciidanka Suudaan melleteriga Itoobiya ugacan geliyeen.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa ku eedaysay dowladda Ereteria in ay soo abaabushay qorshahan lagu burburin lahaa biya xireenka Al-nahda, dowladaha Masar iyo Suudaan ayaa kasoo horjeedo biya xireenka Itoobiya ay ku leexinayso biyaha wabiga Niil.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho


 

Related Items